Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa oo Ka Hawlgalay Dab ka Kacay Xarun ka Mida Xarumaha Wakaalada Biyaha Magaalada Hargeysa.

Hargeysa[ToggaHerer]-09.07.2018- Ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore ee saaka ka hawlgalay Dab Ka dhacay Degmada 26 June Ee Magaalada Hargeysa.
Dabkan ayaa noociisu ahaa Guri daara kaasoo ahaa xarunta wakaalada Biyaha Somaliland ay ku bixiyaan mushahaadka. Xaruntan ayaa waxaa yaalay hanta aad u badan maadaama ay yaaleen Qayb ka midamushaharka shaqaalaha Wakaalada Biyaha.
Ciidanka Dab-demiska ayaa hawlgalka ku guuleystay hawlgalkaa waxaana ciidanku ka xakameeyay Dabkaa, iyadoo ciidanku soo badbaadiyay Hanti ahayd Laba Joonyadood oo Shilinka Soomaaliland ah.
Hawlgalkan ayaa waxaa hogaaminayay Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska, waxaana hawlgalkaasi ku soo dhamaaday Guul.

Advertisement

Ku Xayeysiiso