Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo Booqasho Taariikhi ah ku tagay Asmara, Eritrea


Addis Ababa, July 8, 2018 (ToggaHerer) Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Ahmed ayaa gaadhay caasimadda Eritrea ee Asmara maanta taas oo lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Abay Axmef ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey Asmara waxaana soo dhaweeyey Madaxda dalkaad ugu saraysa oo ugu horeeyo Madaxweyne Isaias Afeworki.

Socdaalkan ayaa ah mid lagu wanaajinayo xidhiidhka labada shacab oo waayadan danbe fiicnayn.

Wafti Sare oo uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada ee Eritrea Osman Saleh iyo la taliyaha madaxweynaha Eritrea Yemane Ghebreab ayaa iyana hore u booqday Ethiopia todobaad ka hor.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso