Sida aan ognahay waxa badanaa kusoo noq noqda gobolada barriga somaliland gaar ahaan gobolka caggaaran ee sanaag inteeda LA dhaho ceel-afweyn shaqaaqooyin iyo colaaddo badanaa Kakala dhex dhaca labo beelood oo walaala ah.
Badanaa dhibaatooyinkaasina waxa ay ka bilaabmaan waxaan macno lahayn Sida dhulal cidla ah ,ama ceelal madhan, amaba dhibaatooyin hore e oo u badan aanooyin iyo waxaan diinta iyo dhaqankaba Sal kulahayn.
Badanaa waxa dabada kariixa shaydaan I saga oo ka faaidaysta, iskuna sii dira dadyowga walaalaha ah ood wadaagtana ah.ilaahna wuxuu yidhi Mar uu shaydaanka ka hadlayay shaydaanka wuxuu idiin yahay caddow cad ee ka digtoonaada.
Haddaba si kastabA wax ha u dhacanee majiraan waxaan xal lahayn oo aan LA helli karayn xalkooda.
Kow waa in odayaasha labada dhinac si toosa LA isku horfadhiisiyaa oo si dhaba loowada hadashiyaa,xaggaana qaraar iyo xeer adag oo meel Mara oo nabadaynta ku sahabsan Kala dhigtaan meelna mariyaan.
Talabaad waa in ay kuwa warbaahinta haystaa gudbiyaan xilli walba dhinaca wanaaga ,kana mamnuucaan tyadooda iyo jaraa’idadooda ama warbaahintooda ama maregayshooda dad ama Cid kastoo faafinaya arrinkastoo wax xummayn ama wax hurrin kara .wax sama ah mooyee.
Hana lasoo xullo Cid kastoo sammo katalisna dhibasayansa ama neceb colaadaha
Dawladu waa in ay doorkooda ka ciyaaraan waddo kasta oo xalla oo dhanka wanaagansan ay u maraan sidii ay ku damin lahaayeen shaqaaqada xagaa ka jira.
Abwaanada hala adeegsado culimada hala adeegsado .aqoonyahanka inteeda saliimka hala adeegsado salaadiinta inteeda sammo katalisa hala adeegsado. arrintaasi Somaliland oo Dhani hagasho oo barrigeeda iyo galbeedkoodaba arrinkan halaga xalliyo
haddii intaa si dhaba loogu dhaqaaqo waxaad ogaan doontaan faaidadeeda iyo halka uu xalgu a uu ku jiro
Nabadaa qiimaheega iyo wanaagana hala dhandhansiiyo oo halloo sharraxo luuqad kastoo waxa lagu fahansiin karana halloogu sheego hadday dhaqan noqoto hadday diin noqoto madaxweynaha ugu sarreeyana hatago oo arrinkaa hadhexgalo goobta lagu heshiisanaya ha gaadho. ceelal badan haloo qodo markay ceelalku bataana baahidiiba yaraanasa .waana xalka ugu dhow ee arrinkaa lagu xallin karro. salaam
xamse riiraash