Waa Imisa Diyaaradaha Bilaa Duuliyaha ah ee ay haystaan Ciidamada Ruushku?

Agaasimaha Maamulka Diyaradaha Drones ka (Diyaaradaha Bilaa Duuliyaha ah) ee Ciidanka Ruushka Major General Alexander Novikov ayaa sheegay in ciidmada Ruushku ay haystaan hadda in ka badan 1,900 oo diyaaradaha Drones ka ah.

Novikov ayaa waraysi uu siiyey Wargeyska “Krasnaya Zvezda” ee Ruushka u sheegay in ciidmada Qalabka sida ee Ruushka qaybahooda kala duwani ay haystaan diyaaradaha Bilaa duuliyaha ah ayna ciidamadaasi ku qalabaysan yihiin in ka badan 1,900 diyaaradaha bilaa duuliyaha ah.

Waxaanu Xaqiijiyey Novikov in diyaaradaha bilaa duuliyaha ahi ay kor u qaadeen awoodaha ciidanka Ruushka marka loo eego xaga sahanka waxaanu intaa raaciyey in hadda diyaaradahan loo isticmaalo tababarka iyo taatikada dagaalka iyo fulinta hawlgalo kala duwan si tayo leh.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso