Nawaz Shariif oo lagu Xukumay Toban sanno oo Xabsi ah maxay Yahay Sababta loo Xukumay?

Maxkamadda u gaarka ah musuqmaasuqa ee Dalka Pakistan ayaa xukun ku riday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Pakistan Nawz Shariif Toban sanno oo xabsi ah.

Dacwadan ayaa socotay muddo sagaal bilood ah waxayna masuuliyiinta Pakistan Sheegeen in kumanaan askari oo ciidanka Amaanka ay heegan galiyeen magaalada Islambad ee Caasimada ah.

Maxkamad Pakistan ah ayaa hore uga mamnuucday Nawaz Shariif inuu xil xukuumadeed qabto waligii.

Xukunkan ayaa imanaya todobaado ka hor doorashada dalkaasi ka qabsoomaysa.

Eedeynta ayaa ah in Nawaz Shariif Inantiisa, laba Wiil oo uu dhalay iyo wiilka uu sodoga u yahay ay dhul kaga iibsadeen London hantida dalka mudooyinkii kala duwanaa ee uu xilalka ka qabtay Pakistan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso