Mucaawiye ayaa Yidhi “Aniga iyo Dadka Waxa Noo Dhexeeya Dun Jilicsan Haday Dabciyaan Anigaa Giijiya Haday Giijiyaan Anigaa Dabciya”

Muuse Biixi Aragtida Taladda Dalka

mohamed hoosh

 

Mucaawiye ayaa Yidhi “Aniga iyo Dadka Waxa Noo Dhexeeya Dun Jilicsan Haday Dabciyaan Anigaa Giijiya Haday Giijiyaan Anigaa Dabciya”

 

Awoodaha Madaxweynaha Waxa Qeexay Dastuur Mudo Xileedkana Waa 5 Sano 
Waxa Dheer Awoodaha Labada Ha’yadood Sharci Dejinta iyo Garsoorku la Wadaagaan Waxa iyana Garab Socdaa Xisbiyadii Qaranka oo AWOOD gaar ah leh 
Madax Dhaqameedka Awood Dadka Haya

Culamada Diinta “Awood ay ku tagri falaan”

Ganacsata “Awood Aan La Xisaabin”

Warbaahinta “Awood aan aqoon lahayn”

Indheergaradka inta Wax Baratay iyo Ururada Bulshada Rayidka iyo Fanka “Awood Aan Saamayn Badan Lahayn”

 

Madaxweyne Muuse Bixii Wuxu Ogsoon Yahay
Kaligii Shaxda Godka uu Dago In Dhib Badan Ka Iman Karto, Waa Fahan Dheeraad ah oo Odaynimo iyo MIISAAN Dheeli Tiran u Raacay
Marka Laga Hadlaayo Go’aanka Dalka ugu Sareeya

 

Taladda Badan ee Urursanaayo Waa Dawo Somaliland ah, Waayo Waxaynu Ka Dagaalanay Talo Ku Urursan Nin Kaliya oo Mucangag ah

Faysal Cali Iyo Xirsi in Ka Badan Toban Jeer Ku Dhawaaqay Awoodahaa Dalka inay Baabiin Lahaayeen Haday Fuulaan Kursiga iyo 
“Power-ka Adeegso M/Weyne” Aragtidaasina Wey Jirtaa.

 

Muuse Biixi Xiliyadii Ololaha Lagu Jiray Ayuu Si Cad u Qeexay Taladda Dalka in uu Cid walba Kala Tashan Doono

Halaga Daayo Madaxweynaha Noo Tali oo Sidaad Doonto Naga Yeel Siiba Bahda Saxaafadda “Waa Kali Taliye Noqo”

Waxa Jira Fagaare Weyn oo uu Muuse Biixi Ka Ciyaari Karo Siyaasad Xeelad Ku Dheehan Tahay si uu ugu Midayn Karo Dadka iyo Dalka Dastuurkuna u Ogol Yahay Talaabadii u Horaysay Wuu Qaaday ..

 

Maxamed Xoosh

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso