Safarkii Nabadaynta: Kulankii Badhasaabka, Haweenka iyo Caweyskii Suugaanta. Qormada 5aad. W/Q Siciid Gahayr

Galabnimadii 29ka Mey 2018ka waxa aanu la kulannay haweenka nabadda ee Gobolka Sanaag. Haweenku waxa ay si xog-ogaal ah daaha uga qaadeen halka arrintu ka xagal-daacayso, dhibaatada iman karta haddii aan la feejignaan, qorsheyaasha beelaha ee la abaabulayo iyo tubta loo mari karo deminta shaqaaqada. Madarka/shirka aanu haweenka la yeelannay wuxuu ka mid ahaa madalihii aanu ka helnay xogaha faahfaahsan ee taabanaya eelka shaqaaqada ka aloosan Ceel-af-weyn.

 

Habeennimadii 29ka Mey 2018ka waxa aanu is-xog waraysannay waayeelka Gobolka Sanaag gaar ahaanna beel ka mid ah bulshada Sanaag. Odayaashu waxa ay noo qeexeen sida ay mar walba ugu heellan yihiin in waanwaan arrinka lagu dhammeeyo. Waxa ay muujiyeen sida ay mar walba uga shaqaynayaan in arrinka nabad lagu dabbaalo. Isla habeennimadaas ayuu Abwaan Cabdiraxmaan Abees waraysi gaar ah siiyay Idaacadda VOA, waxaanu ku xusay ujeeddada safarka aanu ku joogno Sanaag. Dhambaalkaasi waxa uu ahaa kansho kale oo aanu safarkayaga ku maqashiinno dhego badan kuna faafinno ergada nabadda.

 

Dharaar Koodaar (Arbaca) ah oo ay Hakisa (Khamiis) soo gelayso, tirsi-xilliyeedkuna ahaa 30kii Mey 2018ka, waxa aanu bandhig suugaaneed ku qabannay Hudheelka Qudus, waxaana ka soo qayb-galay ardayda, hal-abuurka iyo dhallinyarada Gobolka Sanaag. Qabanqaabada waxa kaalin mudan ku lahaa Naadiga Akhriska ee Anfac. Maadaama oo aanay gobolka hore u gaadhin Hal-abuurrada iyo Qoraayada waaweyn ee qaranku, waxa aanu guddoonnay soo-jeedin nooga timi barbaarta iyo bahda aqoonta Sanaag.

 

Madal cimidh ah oo ay buux-dhaafiyeen boqollaal da’yar ahi ayaanu ku gudbinnay suugaan khusaysa laamaha nolosha ee nabadda, horumarka, dhego-nugaylka waalidka, dhaqanka iyo jacaylka. Dhididkii ka baxay hal-abuurka qaarkood ayaa xundhurta gaadhay, dhab ahaanna waanu ku faraxnay waajahaadda dhallinyaro u heellan afka iyo suugaanta.

 

Iyada oo aanu afurka sugaynno maalin Khamiis ah 31ka Mey 2018ka ayaannu maqalnay rasaas ka dhacaysa Garoonka Kubadda Cagta oo noo dhawaa. Laba nin oo hadal is-dhaafsaday ayuu midkood xanaaqay. “Isii sug, qori baan doonanayaa” ayuu yidhi. Inta uu bajaaj raacay ayuu qorigii soo qaatay, waanu cabbeeyay. Nin ayaa hor istaagay kuna yidhi “Ka daa inaadeer”, waanu isu dhigay. Laba ayuu kormariyay ninkii lad-qabaha ahaa, tii saddexaadna laabta ayuu kaga dhuftay. Ninkii la dilayay waxa uu dhex galay dadkii madasha joogay, waxaana saacad kaddib naf-baxay ninkii lad-qabaha ahaa oo soomannaa. Ninka dilka geystayna iskii ayuu isu xidhay. Shilkaasi waxa uu muujinayaa sida ay nabaddu ugu dumi karto wax kooban iyo khatarta ka dhalan karta hubka ku jira gacanta shacabka.

 

Caweysnimadii 31ka Mey 2018ka waxa aanu ka qayb-galnay gunaanadka tartan-suugaaneed ku saabsan nabadda oo loo qabtay hal-abuurka da’yarta ah ee Gobolka Sanaag. Aniga oo metelayay xubnaha hal-abuurka ah, waxa aanu ku guubaabinnay in ay doorkooda ka qaataan walaalaynta ummadda, is-dhexgalka dhallinyarada iyo in hawraarta nabadda ku saabsan loo rogo ficil waxtar u yeesha mandaqadda guud ahaan, gaar ahaanna gobolka Sanaag oo ay qaybo ka mid ah dushiisa hoganayaan daruuro colaadeed.

 

Intaas kaddibna, isla habeenkaas taariikhdu ku suntanayd 31ka Mey 2018kawaxa aannu kulan gaar ah Hudheelka Cadami kula yeelannay Badhasaabka Gobolka Sanaag. Guddoomiyuhu waxa uu nagu soo booqday baradii aanu ka degganayn Ceerigaabo. Waxa uu nooga warramay xaaladaha ku gedaaman gobolka guud ahaan. Xog-ogaal xilkas ah oo war badan haya ayuu ahaa. Masuul ay maaraynta hawshu ka go’an tahay ayuu ahaa.

 

Hoggaamiye ay dhammaan bulshadu ku wada hirato, raallina ka wada tahay ayuu ahaa. Ninkii ugu habboonaa ee hoggaanka Sanaag hanan lahaa ayuu jagadaas u xulay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Walaw uu waagii Madaxweyne Siilaanyo ka cudur-daartay in uu noqdo Badhasaabka Maroodijeex, waxa uu muhiim u noqday maaraynta shaqaaaqada taagan iyo midaynta ummadda uu Iblaysku isku dirayo.Shacabka gobolkuna idilkood waa ay majeeranayeen, ku kalsoonaayeen, oo ka mahad sheeganayeen.

 

Md Tiimbaro waxa uu xilligii Marxuun Cigaal noqday Maayar-ku-xigeenka Hargeysa, xilligii Madaxweyne Rayaalena waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, imaka ayay ahayd markii kowaad ee aanu arrin isugu nimaadnaa. Madarkaasna waxa iiga muuqday shakhsiyaddiisa san.

 

Guddoomiyuhu waxa uu noo iftiimiyay dedaalka ay xukuumaddu ugu jirto xasilinta gobolka iyo qalloocyo sababay in ay xaajadu noqoto mid daba-dheeraata oo qaadata maalmo, toddobaadyo, bilo iyo gu’yaal. Annaguna waxa aanu la wadaagnay waxyaabaha toosinta u baahan, hannaanka arrimaha taban looga dhigi karo kuwo togan iyo guud ahaan wixii tabaalada lagu tirtiri lahaa. Waxa si buuxda isu waafaqay aragtidiisii iyo tilmaantii aanu haynnay. Waxa noo muuqatay sida aannu uga midaysannahay habka loo unkayo xal lagu nasto oo naruuro abuura.

                                                                                           

“Soo-roga (Sabti) oo ku beegan 2da Juun 2018ka waxa Ceel-af-weyn lagu kulminayaa cuqaasha Gobolka Sanaag. Halkaas ayaynu isugu iman si aad maansooyinkiinna nabadda uga jeedisaan haddii Eebbe idmo” ayuu yidhi Md Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), Badhasaabka Gobolka Sanaag. Ballankaas ayaanu ku kala tagnay Guddoomiyaha Gobolka, maalinnimadii Jimcaha waa aanu iska nasannay. Walaw aanu raadinnay in aanu Gobolka Sanaag ka soo iibsanno malab, waxa na loo caddeeyay in aanu ahayn kalkii shinnidu malabka soo saari jirtay.

 

 

La soco qaybta lixaad haddii Eebbe oggolaado

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com,siciidgahayr@gmail.com

Hargeysa

Advertisement

Ku Xayeysiiso