Qaladkii Madaxweyne Muuse Biixi kaga sii faalooday Go’aanadda Shirka Beelaha Garxajis oo Kalifay inay Beeshu Ficil Qaranimadda Saameyn ku leh kaga jawaabto

Qaladkii Madaxweyne Muuse Biixi kaga sii faalooday Go’aanadda Shirka Beelaha Garxajis oo Kalifay inay Beeshu Ficil Qaranimadda Saameyn ku leh kaga jawaabto

Faalo Kooban ?

2-bada Qodob ee ugu hadal haynta badan ee laga waayey (aan lagu soo darin qodobadii shirka ka soo baxay) Warmuriyteedkii ka soo baxay shirkii Tolwanaaje 2 ee Beelaha Garxajis uga qabsoomay Gacan Libaax ?

Waa labada qodob ee kala ah ?

1 > Beeshu Waxay Taageersan tahay Midnimadda, Madaxbanaanidda iyo Gooni isku taaga Jamhuuriyadda Somaliland ?

2 > Beeshu waxay diyaar u tahay nabad kula noolaashaha, walaatinimadda iyo Derisnimadda Guud ahaan beelaha kale ee Somaliland ?

Labadan qodob ee aan lagu soo darin qodobadii gunaanadka iyo Warmurtiyeedka ee ka soo baxay Shirka Tolwanaaje 2. Ee Beelaha Garxajis, anigu waxaan u fahmay ?

Qalad ka dhacay Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi oo si la ma filaan ah todobaadkii shirku socday ee lagu gudo jiray inta uu Saxaafadda ka hadlay si aad moodo Jees Jees iyo in uu kuba faanayo in uu Shirka Beelaha Garxajis Basaasiin u dirsaday oo ay uga qaybgaleen isla markaana Ergadda Shirka Basaasiintaasina iyagu u yeedhinayaan dadka gacanta ku hayey.

Arintaasi waxay keentay cadho Gudo iyo Dibadba oo xata dadka intii aan taageersaneyn shirkani balse ka soo jeeday Hayb ahaan Beelaha Garxajis ay la yaabeen sida iyada oo tabasho xoogani beeshu tirsaneysao hadana uu madaxweynaha Somalialnd Muuse Biixi Cabdi ku ogaaday qodobada uu ku dooday in shirka Gacan Libaax ay Beesha uga socda ay ka soo bixi doonaan, waxaana midhihii hadalka aan ka fiirsashadda lahayn ee Madaxweyne Biixi ka soo yeedhay, keentay in maanta maxsuulkii iyo qodobadii shirkaasi ka soo baxay aan qaranimadda , jiritaankeeda iyo midnimaddeeda Jamhuuriyadda Somaliland lagu soo hadal qaadin iyada oo beeshu tixraacaysa oo ficil shanaysa hadalkii madaxweynuhu sida fudud u yidhi, waxaana qalinka laga ilaaliyo intii uu hore u sii sheegayba iyo xata inay Beeshu balan qaado inay Somaliland jiritaankeeda dan iyo xaajo ka leedahay.

Hadaba in kasta oo Beelaha Garxajis xaqiiq ahaan yihiin kuwa aan indhaha laga lalin karin inay ka mid yihiin dadka taariikh ahaan iyo umad ahaanba ugu lexejecladda badan Qaranimadda iyo difaacista Jamhuuriyadda Somaliland, waxa haboon in madaxda dawladda oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Somaliland md Muuse Biixi Cabdi marka ay Beelaha Somaliland qaarkood sida hadaba dhacday isaga iyo dawladdiisa caddaalad uga marti yihiin ee ay tabasho jirto iyo garnaqsi waa in aanu ku deg degin wixii afkiisa iyo qalinkiisa ka soo baxaaya waayo waxa suurto gal ah in dhaawaca ugu badani ay gadho qaranimadda Somaliland sida hadaba tabashadan iyo ficilka madaxweynuhu ee is khhilaafsani keenay sababay, waxaana haboon in Madaxweynaha iyo xata Beelaha Somaliland midkoodna aanu ku gefin jiritaanka Qaranka iyo Tabashadda umadda dhexdeeda.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Qalinkii Cabdiwali Cali Ismaaciil (Hudle)

Advertisement

Ku Xayeysiiso