Afganistan Koox Hubaysan oo Qoorta ka gooyay Saddex shaqaale Dugsi!


Masuul Ka tirsan Xukuumadda Afganistan ayaa sheegay in koox hubaysani ay dileen saddex shaqaale Dugsi gobolka Nankarhar ee bariga Afganistan,sidoo kalena waxay gubeen kooxdani Maktabadii Dugsiga iyo Xafiiskii Maamulka.

Afhayeenka Maamulka Waxbarashada Gobolka Maxamed Asif ayaa Wakaaladda Wararka ee Jarmalka u sheegay in kooxda weerarka geysatay ay qabsadeen Dugsiga sare ee Malkayar Hotak ee Inamada gaarka u ah ayna qoorta ka jareen Saddex shaqaale aan hubaysanayn.

Waxaanu intaa ku daray in aanay garanayn sababta falkan loo geystay cid ilaa hadda sheegatayna ma jirto masuuliyadda weerarkan.

Kooxaha Daliban iyo Daacish ayaa dhaqdhaqaayo ka wada gobolka se goblokan ayaa lagu tilmaama Xarunta Daacish ee Afganistan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso