Guud Ahaan Dalka Somaliland Waxaa Saaka Looga Fadhiistay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Qaranka ..

(Toggaherer)-Guud Ahaan Dalka Somaliland Waxaa Saaka Looga fadhiistay Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Ee Qaranka ..

Gudoomiyaha wasaarada waxbarsahad ee gobolkaasi togdheer xasan xasan jaamac warsame ayaa faafaahin ka bixiyey tirada ardeyda u fadhiisatay imtixaanka shahaadiga ah ,waxaanu yidhi:

Gobolka togdheer waxa maanta u fadhiisanaya ardey dhan afarkun saddex boqoliyo toddoba iyo soddon(4337) ardey dugsiga dhexe ee fasalada siddeedaad waxaanay dhanyihiin saddex kun iyo saddex iyo lixdan ardey,halka dugsiyada sare ee gobolka togdheer ay u fadhiisanayaan kun iyo lix boqol toddobatan iyo afar ardey ,sidaasi awgeed waxay isku yihiin afar kun toddoba boqol soddon iyo toddobo ardey .

Goobaha ay ardeydaasi fadhiyaan axa weeyaan guud ahaan labo iyo labaatan ardey ,sagaal goobood waa dugsiyada sare ,saddex iyo tobonna waa dugsiyada dhexe ee fasalada sideedaad ilaa hadda imtixanaadku jawi fiican ayuu ku bilowday ,waxaanay nala soo socod siiyeen goobaha dibadaha in ay sifiican uga socoto howshaasi imtixaanaadku).

Advertisement

Ku Xayeysiiso