Wafti Sare oo ka Socda Eritrea oo gaadhay Addisababa Gudaha Ka Akhriso

Addis Ababa, June 26, 2018 (ToggaHerer) Ergo Sare oo ka socota Eritrea oo ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibada Cusman Saleh iyo Lataliyaha Madaxweynaha Yemane Ghebreab ayaa gaadhay Addis Ababa, Itoobiya maanta.

Madax sare oo ka tirsan xukuumadda Itoobiya, oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Dr Abi Axmed, ayaa wafdigu ku soo dhaweeyey Garoonka Caalamiga ah ee Addis Ababa ee Bole.

Tani waxay calaamad u tahay kor u qaadista xidhiidhka labada dal oo ku dhowaad labaatan kii sano ee u dambeyeyey aan wanaagsanayn.

Booqashadan ayaa imaanaysa kadib markii Itoobiya ay sheegtay in ay si buuxda u aqbalayso Heshiiskii Algiers iyo go’aanka Guddiga Xuduudaha Ethio-Eritrea (EEBC).

Warqabada ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso