Isreal oo La Beegsatay Sawaariikh Agagaarka Madaarka Duwaliga ah ee Dimishiq

Wakaalada Wararka Suuriya ayaa Warisay in laba gantaal ay Isreal ku soo riday Saaka Waabarigii Madaarka Dimishiq duleedkiisa gaar ahaan Koonfur Bari.

Wakaalada ayaa sheegtay in labada Saaruukh ama gantaal ku dhaceen duleedka Madaarka Saaka Waabarigii iyaga oo aan faafaahin waxa ay tahay goobta la bartilmaameedsaday iyo in gantaaladu gaysteen Wax khasaare ah.

Geesta kale Xarunta Xuquuqul Insaanka Suuriya ayaa sheegay in labada Gantaal ee Isreal lagu beegsaday Bakhaaro hub oo ay leeyihiin Kooxda Xisbulaah waxayna intaa ku dareen in duqeyntu geysan qaraxyo waaweyn.

17June ayaa Isreal Duqayn la beegsatay goobo Milatari Gaar ahaan Bukmal oo dhacda Xadka Suuriya la wadaagto Ciraaq bariga Dalkaasi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso