War deg deg ah: Qarax ka dhacay Isu soo bax ka dhacaya Addis ababa iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo la Bartilmaameedsaday

Wakaalada wararka Reuters ayaa soo Warisay in uu qarax ka dhacay lagu bartilmaameedaday isu soo bax uu ka qayb galay Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed caasimadda Adiss Ababa isu soo baxa oo ka dhacayay Meskel Square.

Sida ay warisay Wakaaladu masuul maxali ah ayaa sheegay in ay ahayd Bam gacmeed uu isku dayay ruux inuu ku tuuro halka uu taagnaa ama ku sugnaa Ra’iisal Wasaaruhu.

Wakaalada wararka Ormia ayaa iyana sheegaysa inuu jiro dhaawac ka dhashay qaraxa halka ruuxii falka geystayna ay hayaan ciidamada Amaanku.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso