Washington oo si rasmi ah uga baxday Golaha Xuquuqul Insaanka ka dib difaaca Falastiin

Dawlada Maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxeen Golaha Xuquuqul insaanka Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Go’aanka Maraykanka ayaa ka dambeeya eedeyn uu Maamulka Trump eedeeyey Golaha Xuquuqul Insaanka ka dib markii Goluhu eedeeyey Isreal dhibaatooyinka ay ka wadaan Yuhuudu Marinka Qasa iyada oo goluhu isku raacay in baadhitaan lagu sameeyo xasuuqa 60 qof oo Falastiin ah .

Golaha Xuquuqul Insaanka ayaa la aasaasay sanaddi 2006 iyada oo lagu aasaasay Geneva waxaanu ka kooban yahay 47 Xubnood.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso