Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID Ayaa ka Hadlay Safarkii Raysal Wasaaraha Itoobiya .

(Toggaherer)-Xoghayaha Guud Ee Xisbiga cadaalada Iyo daryeelka UCID ENG-Axmed Xirsi Ducaale Ayaa ka Hadlay Safarkii Raysal Wasaaraha Itoobiya .

ENG-Axmed xirsi Ducaale oo ah xoghayaha Guud Ee xisbiga cadaalada iyo daryeelka Ucid ayaa si faahfaahsan uga hadlay heshiiskii dekedaha ee ay wadogaleen dalka itoobiya iyodowlada faderaalka somalia ,xogahayah oo arrintaasi si faahfaahsan uga hadlaya ayaa yidhi:

(Itoobiya waa dowlad aynu jaar nahay waana dowlada madaxbanaan ,somaliana waa dowlad aynu jaar nahay ,labo dowladood oo aynu daris nahay haddii ay wax kala saxeexdaan dee iyaga ayey khusaysaysaaye dee inaga inama khusayso ,inagana waxaa la ina yidhaahnaa jamhuriyada Somaliland oo waxaynu nahay dowlad madaxbanaan waana in aynaan madaxbanaanideena horta dadka shacabka ah warbaahinteena ,siyaasiyiinteena ,cid walboo reer somaliland ah madaxbanaanida jamhuuriyada somalilandwaa in aanay shaki ka galin waa in aanu qofku marka xamar wax yari ka soo baxaan ama cida xamar tagta aanu salbo bakhin oo aanu odhanin  somaliland ayaa ku jirta waayo anagu waxaanu leenahay reer somaliland waa jamhuuriyada madax banaan nama khusayso waxa ka dhaxeeya itoobiya iyo somalia ,anaga somaliland dekedo ayaanu leenahay ,maalgalinoayaanu samaynay oo dowladayada ayaa noo qaabilsanayd qodobo ayaa lago wado hadlay ,heshiisyo ayaanu galnay kuwaasi ayaa sharci ah ,dekedahayaga iyo dhulkayaga somaliland iyadaa maamusha ,mucaarid iyo muxaafidba arrintaasi waanu ka midaysan nahay ,itoobiyna anagoo somaliland ah ayaanu heshiis lagalnay intii aanay somalia lagalin ,markaasi heshiiska somalia nama khusayso ,anaga mid somaliland iyo itoobiya ka dhaxeeya kaasi ayaa nakhuseeya ,kaasiayaa qodobo leh ,kaasi ayaa shuruudo leh ,oo wax walba waa cad yihiin .

Barigii hore ee jamhuuriyada somalia la odhan jray oo ah somaliland iyo somalia ayaa hawad lala wareegay oo laga soo wareejiyey kenya oo xamar ayaa loo soo wareejiyey mana aha markii ugu horaysay ee aanu maqalno waxaanan filayaa waxyaabaha noocaasi oo kale borobogaandhaha ay reer somalia ay isku maaweeliyaan ayey ka mid tahay hawada iyo hanti badan oo kale magicii jamhuuriyada somalia ama adduunka kaga maqan ama maanta cid agaar ahi ku haysataa waxay ka mid tahay waxyaabaha ka dhaxeeya labada dal,cid somalia u dhalatay iyo cid ajaanib u dhalatay mawareejin karto sharciyadna umalaha in ay wareejiso laakiin inagu hawadeena cid baynu ku ognahay ,dowlada somaliland iyo cida u xil saaran arrintaasi ee shaqadaasi leh ayeynu ka sugaynaa meeshii aynu ku ogayn in ay ka guurtay ,in ay meel kale u guurtay iyo in cid kale lawareegtay ,taasi jawaabteeda cida u xil saaran ee jamhuuriyada somaliland cidda u xilsaaran ayeynu kawar sugaynaa) .

Advertisement

Ku Xayeysiiso