Daawo: Qaabkii loogu soo dhaweeyey Ra’iisal wasaaraha Ehtiopia Booqashadiisii Magaalada Muqdisho

Waxaa goor-dhow Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho caga dhigatay Diyaarada siday wafdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Raiisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Axmed, socdaalkan oo noqonaya kii ugu horeeyey ee uu ku tago dalkaasi Soomaaliya tan iyo intii la doortay.

Madaxdaweynaha dowladda Dalkaasi Soomaaliy Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Waxay salaan sharaf ka qaateen ciidamada Bambayda.

R’isal Wasaare Abey Axmed ayaa markiiba u gudbay Madaxtooyadda Somalia halkaas oo shir kula galay Madaxda Maamulka Muqdisho.

Amaanka Magaalada Xamar ayaa la adkeeyey iyada oo meel walba ciidan la dhigay wadooyinka iyo isu socodka magaaladana la xayiray.

Advertisement

Ku Xayeysiiso