Sucuudiga oo La Tumay Ciyaarta Furitaanka koobka Adduunka 2018 Laguna Garaacay 5 Gool oo Nadiif ah.. Wixii Sucuudiga helay ayaan la yaabanay!!!

Kooxda Ruushka ayaa Jab xoogan u geysatay Kooxdii Sucuudiga ka socotay,waxayna ku qaraacday shan gool oo nadiif ah kulanka koowaad ee lagu furay Koobka Adduunka 2018.

Laacibka Yuri Kazinsky kana ciyaara khadka dhexe ee Ruushka ayaa ku daahfuray daqiiqadii 12aad goolka koowaad kuna hubsaday shabaqa Sucuudiga

Weeraryahanka bedelka ku soo galay ee Denis Cherchev ayaa u saxiixay Ruushka Goolka Labaad Qaybta hore ee Ciyaarta.

Soccer Football – World Cup – Group A – Russia vs Saudi Arabia – Luzhniki Stadium, Moscow, Russia – June 14, 2018 Russia’s Artem Dzyuba celebrates scoring their third goal with team mates REUTERS/Carl Recine


Weeraryahanka Artiom Dziyuba ayaa Daqiiqadii 71aad u saxeexay Xulkiisa Kubad qurux badan oo uu kaga dhaliyey Madax Goolahaya Xulka Sucuudiga Cabdilaahi Almacyuuf

Soccer Football – World Cup – Group A – Russia vs Saudi Arabia – Luzhniki Stadium, Moscow, Russia – June 14, 2018 Russia’s Artem Dzyuba scores their third goal REUTERS/Kai Pfaffenbach


Mar labaad ayaa Denis Cherchev Ninkii lahaa Goolka labaad uu Daqiiqadii 90aad u saxeexay goolkiisa labaad ahna ka afaraad ee dalkiisa.

Ciyaaryahana khadka Dhexe Alexander Golovin ayaa u shaneeyey xulkiisa ilbidhiqsiyadii u dambeeyey ee Ciyaarta Gool ku laad xor ah.

Xulka martida loo yahay ee Ruushka ayaa ku qaaday sidaa Saddexda dhibcood ee Ciyaarta maanta furitaanka Koobka Adduunka, waxayna sugayaan group A ciyaarta Masar iyo Urguay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso