Laba qof ayaa lagu dilay weerar ka dhacay Masjid ku yaala Koonfur Afrika salaadii Subax ee Saaka


Laba qof ayaa ku dhintay weerar ka dhacay Masaajid Malmesbury South Africa Saaka oo Khamiis ah ka hor inta aysan ciidamada ammaanka dilin Dambiilihii fala geystay, sida uu sheegay bilayska Koonfur Afrika.

Afhayeenka bilayska Nulioso Rojksana ayaa sheegay in Dad ku tukanayay Salaad Masaajidka ay bilayska ku wargaliyeen ayna heleen laba qof oo qaba dhaawacyo ba’an oo mindi iyo dhowr dhaawac ah.

Waxa uu intaas ku daray: “Ninkan oo Da`da Soddon jirka ah uu Booliska ku soo weeraray mindi iyaga oo isku dayay inay ku qanciyaan inuu is dhiibo se wuu diiday waana la dilay.”

“Baadhayaasha ayaa hadda baadhaya aaga si ay u helaan wax cadaymo ah kadib markii laba qof lagu dilay Malmisbury subaxnimadan,” bilayska maxalliga ah ayaa boggooda Twitter ku qoray.

Ma jirto macluumaad ilaa hadda la hayo oo ku saabsan sababta ku kaliftay Dambiilahan inuu ku kaco Falkan argagaxiso.

Weerarkan ayaa yimid bil ka dib weerar ka dhacay Masjid ku yaal Virulam, waqooyiga Durban, halkaas oo saddex nin oo aan la garaneynin lagu gawracay laba kalena lagu dhaawacay mindi.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso