Kim oo aan isticmaalin Qalinkii ay u dhigtay Miiska Singapore si uu u saxeexo dukumiintiga wadajirka ah


Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya ayaan isticmaalin qalinkii ay soo dhigeen dhinaca Singapore markii la saxeexayay dukumiintiyada shirwaynaha uu la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Taa bedelkeeda wuxuu qaatay hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Qalin ay Walaashii u dhiibtay.

Ka dib markii Kim Jong-un uu ku fadhiistay miiska, walaashiisa yar ayaa si dhakhso ah ugu timid Waxayna u dhiibtay qalinka si uu u saxeexo dukumentiyada.

Qof kasta ayaa ogaaday in Kim Jong-un uusan taaban wax miiska saaran faylkana u dhow.

Kulanka hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la qabtay Salaasadii Hotel-ka Kabila oo ku yaala Jasiirada Sentosa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso