AGaasimaha Guud Ee baanka Dhexe Somaliland Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyey Qorshayaal Cusub Oo Ay Ku Tayeynayaan Lacagta Shilinka Somaliland.

(Toggaherer)-Agaasimaha Guud Ee baanka Dhexe Somaliland Ayaa Faahfaahin Ka Bixiyey Qorshayaal Cusub Oo Ay Ku Tayeynayaan Lacagta Shilinka Somaliland.

Agaasimaha Guud Ee baanka Dhexe Somaliland Axmed Xasan Xarwo ayaa si qotodheer uga waramay qorshayaal cusub oo ay ku dardargalinayaan kuna tayeynayaan shilinka somaliland oo ay kor ugu qaadayaan,Agaasimaha oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

“Anagu baan ahaan waanu hubnaa in shilinkeenu si dhaqso ah u qaali garoobaayo sidii dadkeenu u fahmi lahaayeen oo ay u qaadan lahaayeen ayey ahayd qorshayaashayadii ilaa hadda wax naga xumaaday ma jiraan oo si wanaagsan ayey u socotaa oo dhawaanraadkeeda ayaad arki doontaan imikana daraasad ayaa lasameynaaye waar dhaqankii sidee ayaa loo soo celiyaa oo markaliya haddii aad istidhaahdo cabudhi dhaqaalaha man hagaago oo wuu qarxaa markaasi taasi mooyaane kalsoonidii nootaalay sideedii ayey u socotaa .

markaasi xoolahaasi haddiila furo waa guul weyn weeyaan waana daqli xagii dowlada u soo kordhaaya waana dollarkii oo inuu badanaaya waxaana weeyaanwax weyn ayey ka taraysaa waana ay noogu jirtay qorshaha oo waqtigaasi ay noqonayso waqti la gaadhaayo oo qorshaha way ku jirtay in xoolaha la furaayo waxaanay ka mid tahay waxyaabaha uu shilinkeenu ku tayoobaayo.

Suuqa ayaanu ka soo urinaa oo lambar dhexe ayaanu iskugu soo ururinaa waxaanu waqtigan aanu igu talo galnay waanu gaadhi doonaa waqti aanu fulin balse waxaanu ugu talo galnay oo aanu go-aan ka qaadanao xiliganna waxaa weeyaan in dadku fikir ka qaataan imiakana dadkii shacabka ahaa dad badan ayaa noo mahadnaqay oo dukaankii markuu yidhaahdo intaasi ayaan ku sarifayaasowtan tii baanku markaasauu meel dhexe istaagaa oo wuu shaqeeyaa waayo waxaanu qaadanay feelback siduu ushaqeeyo laakiin waxaanu gaadhi doonaa xilli aanu fulino oo go-aan lagu qaatao.

lacagta laydhadhka in lagu bixiyo shilinka somaliland iskuulada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladaba in lagu bixiyo shilinka somaliland ,jaamacadaha dalku iyokuliyadahoodu in ay qaataan lacagta shilinka somaliland oo aanu isla qaadanay oo waanu wado xidhiidhnay oo amarkoodu wuu soo bixi doonaa waxaanan leenahaybulshadu in ay ku adkaysato ooay ku cadaadisi in shilinka laga qabto markay go-aanadu soobaxaan oo aany iska aqbalin dollar keen oo ay yidhaahdaan sharcigaasi ayaa jira oo imisa shilinka somaliland ayaad iga doonaysaa taasi ayaa shilinka lacagteenu qiimoku yeelanayaa)

Diyaarinta-Caydaruus Cismaan-(Mr-Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso