Shirkadda Nike ma siin doonto kooxda Iran Kabaha Ciyaaraha Xilli wax yari ka hadhsan tahay Koobka Adduunka!!!


Shirkadda dharka iyo Kabaha ee Maraykanka lana yidhaa Nike ayaa sheegtay inaysan Iran siin doonin kabaha Koobka Adduunka bishan sababtoo ah cunaqabtaynta uu ku soo rogey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Tehran.

Trump ayaa go’aansaday bishii hore inuu ka baxo heshiiskii nukliyarka ee ay saxeexeen Mareykanka iyo wadamada waaweyn ee yurub lana galeen Iran sanadkii 2015.

Tababaraha Iran Carlos Queiroz ayaa sheegay kuna tilmaamay nasiib darro inay tahay in shirkadda ay go’aan ku gaadho iyada oo maalmo koobani ka hadhsan yihiin Koobka Adduunka, Waxaan ugu baaqey FIFA in ay soo faragaliso arrintan.

Iran ayaa Group B kula ciyaari doonta Morocco, Spain iyo Portugal, Waa markii shanaad ee xulka qaranka Iran uu u soo baxo Koobka Adduunka.

Iran ayaa ciyaari doonta kulankooda ugu horeeya tartanka oo ay la ciyaarayaan Morocco 15ka bishaan.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso