Daaroodka Yaala Somaliland Farmaajo Iyo Cabdiwaliyow Been Ayaad Sheegaysaan Anagaa Idinka Jecel Oo Waxaad Ku garanaysaa  Magaalada Aanu Idinka Qabsanaya Markaasi Ayaanu Ka Bilownaa Saldhigii ,Iskuulkii Iyo caafimaadkiiba-Xil Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg).

(Toggaherer)-Daaroodka  yaala Somaliland Farmaajo Iyo Cabdiwaliyow Been Ayaad Sheegaysaan Anagaa Idinka Jecel Oo Waxaad Ku garanaysaa  Magaalada Aanu Idinka Qabsanaya Markaasi Ayaanu Ka Bilownaa Saldhigii ,Iskuulkii Iyo caafimaadkiiba-Xil Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg).

Xildhibaan Maxamuud Maxamed yaasiin (Dheeg) ayaa si kulul uga hadlay dagaalka tukaraq,waxaanu xildhibaanku isbarbar istaagay in aanay qadiyada gooni isku taaga Somaliland aanay marnaba gorgortan gali karain iyo dalku leeyahay xuduudo sugan,mudanaha oo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidhi:

(Dagaalkaasi sida looga hadlaayo ee aad arkaysaan ee warbaahinta qabsaday ee la leeyahay tukoraq ayuu ka soda niman yahow dagaalkaa kolkii hore ee lix dankii anagaa idiin nimid oo anagoo soomaali jecel oo jacayl soomaaliweyn nawadaan idiin nimid haddii aanu idiin nimid xukuumad iyo maamulba waynu isku darsanay dee ciida iyo carada idikamaanaan iibin oo idimaanaan saxeexin oo maanaan odhan dhulkii Somaliland ahaa maantalaga bilaabo idimaanaan odhan ,niman yahow waxaan idiin sheegayaa dagaalku halka uu ka socdaa ee uu ka qudhmayaa waxa weeyaan xadkaygii ayaan ilaashanayaa oo shanta soomaaliyeed waxaa kala qoqobay  eek ala xidhxidhay waxaa weeyaan laanqayrtaas yare e ingiriisku dhigay yaan la odhanin tan Somaliland ma jirto tan kalena ilaahay ayaa dhigaywaar labadaba ingiriis ayaa dhigay taa aad leedihiin darbi ayaa laga samaynayaa ee buulo xaawa iyo mandheera kala qoqobta ee soo socotay ee doolow soo martay ee feefan soo martay ee garoobe soo martay ayaa anagana na soo martay ingiriis ayaa wado dhigay waxaanay la mid tahay oo aad nagu tidhaahdeen somalilandnay waxaanu idinka donaynaa daaroodkii Somaliland ahaa iyo dalka ay daganaayeenba .

Waxay la mid tahay haddii ismaaciil cumar geele imika la yidhaahdo waryaa Somaliland intii ciise daganaa ee Somaliland ahayd waan idinka rabaa sow lamaydaan yaabteen taasi oo kale ayey la mid tahay waxay la mid tahay daaroodka yaala Somaliland anakaa idinka jecel farmaajo iyo cabdiwaliyow been ayaad sheegaysaane anakaaidinka jecel waxaanad ku garanaysaa magaalada aanu idinka qabsanaba markaasi ayaanu ka bilownaa saldhigii caafimaadkii iyo iskuulkiiba galigalin boodhleh ayaad katagtaan oo aanay waxbab ka dhisnayn,in aanu idinka jecel nahay sidaasiayaad ku garanaysaan oo jaamacadihii ayaanu gaadhsiinay ,xarunta daryeela dhalaanka iyo hooyada ayaad ka dhisi kari waydeen ,wax alaale wixii aas aaska nolosha u ahaa ayaanu ka samaynay .

Anigu waxaan baaqaasi u diraya markii hore ee dubaabadihii inaga dhaxeeyey iyo dayuuradihiiinaga dhaxeeyey iyo madaafiixdii inaga dhaxaysay lala dhacayey Somaliland iyo shacabkeedaba waxaan leeyahay hawiye iyodiroow waad daawanayseen dalkana talo ayaad ku leedihiin .

Arrintaasi maanta halkaasi ka qiiqaysa waxaan anigu u xilsaarayaa dir iyo hawiye  oo iyagaa odhankara waar xadkani xadkan ayuu la mid yahay waaryaa dalkan iyo dadkanba haddi ay cadhoodeen oo ay inagala noqdeen dalkoodii iyagaa iska leh  hawiye iyo diroow idinkaa odhan kara ,waxaanan leeyahay ha isku kayo daawanina oo maanta dagaalkii hore kani waa ka duwan yahay  oo maalintii hore waxay ahayd shicib iyo dowlad balse maanta labo dowladood ayeynu nahay oo dagaalkaasi qaboobi maayo haddii aydaan qaboojin idinku oo labadiinaa reer ayaa qaboojin kara oo talo ku leh ,farmaajo iyo cabdiwali toona ,ninka la yidhaahdo axmed madoobe mowqif fiican oo wanaagsan oo dubaax ah ayuu istaagay waxaanu iydhi isagoo baarlamaankiisa lahadlaaya oo shacakiisa la hadlaaya xagga siyaasada waxaan ka leeyahay nimankaasi Somaliland la yidhaahdaa way inaga tageen ayuu ku celceliyey waar waxaa soo hadhay ee siyaasad ah aynu wado hadal ku dhamaysano waanan gaadhsiinayaa dowlada federaalka ah waanu gaadhsiyaye waa laga diiday waxaanan leeyahay adigu halkaasi noo joog nin si wanaagsan oo gobonimo ah u hadlay ayaad tahay farmaajo iyo nin cabdiwali waxaan leeyahay dabkaasi aad shidaysaan waa ramadaane naarta ayaad ku galaysaane kadaaya anagu waxaanu leenahay waar yaan halqofood inaga dhimanin oo dambe inta aynu ku wado hadlayno xadkaasi ee aynu ku heshiinayno dagaalka joojiya .

Kililka shanaad  ee itoobiya waxaan odhanayaa mid maalintii dhawayd tikniko ay leedhdy puntland ayaa iyadoo siigaynaysa soo dhexmartay itoobiya ayey dhuumasho ku yimaadeen buuhoodle kacdi ayey yimaadeen xadkii itoobiya ayaa geela loogu qalaayey oo halkaasi ayaa waxay kalahaayeen ayaa daarooday oo halkaasi ayey ka gabyayeen maanta kilalka shanaad iyo madaxdiisow waxaad odhan lahaydeen dalka looga dhexbaxa qabqabta iyo digdigta anaba darood ayaanu nahee oo daaroodka ayaanu ka mid nahee maxaad anaga noo qabsan waydeen).

Prepared-Aidarus osman (Mr-Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso