Gudaha ka akhri: Doon siday Tahriibayaan Ethiopian ah Oo Ku Degtay Xeebaha Dalka Yamen ..

Hay’ada IOM ayaa Arbacadii sheegtay in ugu yaraan 46 qof ku dhinteen dooni siday Tahriibayaal oo ka timid nawaaxiga Bosaaso oo ku degtay xeebaha dalka Yemen.

Doonidan oo la sheegay inay siday dad gaaraya 100 qof oo Tahriibayaal ah ayaa la sheegayaa inay ka baxday xeebaha ku dhaw magaalada Bosaaso Salaasadii lasoo dhaafay, sida lagu sheegay warbixinta.

Qoraal kasoo baxay IOM ayaa lagu sheegay in wareysi lala yeeshay dadka ka badbaaday musiibadan ay sheegeen in weli la la’a yahay meydkooda dad gaaraya 16 qof.

Illaa iyo hada macada waxa sababay shilka doonidan, waxaana warbixinta IOM lagu sheegay in bil walba ay tahriibayaal gaaraya 7000 oo ka yimid Itoobiya ay soo gaaraan dalka Yemen.

Xili uu dagaal xoogleh ka socdo dalka Yemen ayey weli jiraan Tahriibayaal badan oo u dhashay dalka Itoobiya oo doonaya inay dalkaasi tagaan si ay dalal kale uga sii gudbaan.

Hay’ada IOM ayaa isla salaasadii ka qaaday magaalada Xudeydiya ee dalka Yemen boqol qof oo u dhashay Itoobiya oo ay ku jiraan haween iyo Caruur, kuwaasi oo la geeyey dalka Jabuuti, kadib markii ay dagaalada socdo kusoo dhawaadeen magaalada Xudeydiya oo saaran xeebta koonfurta Yemen.

Advertisement

Ku Xayeysiiso