Daawo-Ciidanka Tabobarka Ku Soo Dhamaysay Dugsiga Mandheera Ee Lixle Waa Ciidan La kowsanaya Madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi -Taliyaha Dugsiga Mandheera Axmed Aw Cali.

(TOggaherer)-Ciidanka tabobarka Ku Soo Dhamaysay Dugsiga Mandheera Ee Lixle Waa Ciidan La kowsanaya Madaxeynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi -Taliyaha Dugsiga Mandheera Axmed Aw Cali.

Taliyaha Dugsiga Mandheera Ee Lixle Axmed Aw cabdi oo hadal kooban ka jeediyey xaflada xidhitaanka ciidamada Booliska Oo hayd dufacdii 29naad ee dugsigaasi soo dhamaystay,Taliyaha oo arrintaasi ka hadlaayey ayaa ydhi:

(Dhammaan ciidan weynaha somaliland iyo ciidanka booliska ,madaxda qaranka ee halkani fadhida waxaan idiinku salaamayaa salaanta islaamka ,mudane madaxweyne waxaa maanta farxad weyn noo ah in aad nagala soo qaybgasho xaflada xidhitaanka tabobarka ,ciidanka tabobarka ku soo dhammaystay dugsiga mandheera ee lixle oo aanu jecel nahay in aad u xidho tabobarkaasi,ciidankaasi waa ciidankaa.

Waa Dufcadii sagaal iyo labaatanaad ee dugsiga uga soo baxda Qaranka somailand,waxaanay dufcadani la kowsatay madaxweynaha somaliland Muuse Biixi cabdi oo ay dufcadani tahay tii koowaad ee la kowsata ee cidanka bileyska ka soo baxda dugsigan ,markaasi waxaa weeyaan ciidankani tabobar fiican ayey soo qaateen oo wax walba way soo barteen ,waxaanay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalaan ilaalinta nabadgalyada dalka gudihiisa iyo haddi loo baahdo

difaacida wadankaba).

Daawo Muuqaalada Ciidanka Booliska Ee Uu tabobarku u Soo Xidhmay Quruxdooda ..

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso