Nin Ameerikaan ah oo ka door Biday inuu Is-dilo halka uu ka sugi lahaa in La dilo!!!

Maxbuus Dil ku Xukuman Gobolka Alabama sugayayna Fulinta dilkiisa muddo 23 sano ayaa isku dhex dilay xabsigii uu ku jiray Sida ay Qortay Warbaahintu.”

Jeffrey Lynn Borden oo 57 sanno jir ah ayaa la helay intii lagu jiray baadhitaanka joogtada ah xabsiga, sidaana waxa sheegay goobjooge.

Jeffrey Lynne Borden ayaa lagu xukumay dil 1995-kii ka dib dilkii uu u gaystay xaaskiisa iyo aabaheed isaga oo ku hor dilay carruurtiisa, 24 sano iyo shan bilood ayuu xabsiga ku jiray tan iyo markii la xidhay ka hor intuusan is-dilin.

Qareenka Borden ayaa sheegay in ninkan uu qareenka u ahaa uu la tacaalayey xanuun daran oo maskaxeed iyo jirro jidheed oo joogta ah, oo aanu helin daaweyn.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso