Yaab-Masaajiada puntland Waxaa Laga Iclaamiyey Jihaad Lagu Soo Qaado Somaliland,Ilaa Afar Gobol Oo Gobolada SomaliaKa Tirsan Ayaa Ciidamo Laga Soo Qaaday Oo La Dul Keenay Ciidanka Somaliland,Farmaajana Waxa Uu Beesha Calamka U Balanqaadayaa In Aanu Colad wadin Somalilandna Uu Donayo…Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahim.

(Toggaherer)-Masaajiada puntland Waxaa Laga Iclaamiyey Jihaad Lagu Soo Qaado Somaliland,Ilaa Afar Gobol Oo Gobolada SomaliaKa Tirsan Ayaa Ciidamo Laga Soo Qaaday Oo La Dul Keenay Ciidanka Somaliland,Farmaajana Waxa Uu Beesha Calamka U Balanqaadayaa In Aanu Colad wadin Somalilandna Uu Donayo…Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahim.

Wasiirka wasaarada Arrimaha GudahaSomaliland Maxamed Kaahim Axmed Ayaa ka gilgishay farogalinta qaawan ee ssomalia ay ku soo qaaday qaranka somaliland,wasiirka oo arrintaasi ka hadlaaya ayaayidhi:

(Somaliland maanta cidna diyaar uma aha in ay weerar ku qaado,arrinta imika jirta waxa weeyaan xaaladu saaka halka ay maraysaa waxa weeyaan ilaa afar gobol oo goboladaa somalia ka tirsan ayaa ciidamadii laga soo daabulayaa oo laga soo qaaday waxaana la soo dul dhigay ciidanka qaranka somaliland ,madaxweynaha somalia ee farmaajo waxa uu Beesha caalamka balanqaadkii uu u sameeyey qoladan beesha caalamka waxa uu u sheegay in aanu colaad wadin ,somalilandna uu doonaayo in ay wado hadal iyagoo nabad ah ay ka wado hadlaan .

Marka ugu horeysa Bulshada caalamka ,dalalka aanu jaarka nahay ,dalka jabuuti dalka itoobiya ,madaxweynaha jabuuti ,raysal wasaaraha dalka itoobiya iyo guud ahaanba labada dowladoodba ,dowladaha iigadh ee geeska africa ,ururka midowga africa ,ururka midowga yurub iyo dowlada maraykanka ,haddii aanu nahay somaliland waxaanu ku wargalinaynaa oo aanu baaqa ku gaadhsiinaynaa xaalada colaada ee ka aloosan somalia iyo somaliland dhexdooda ,iyadoo somaliland aanay masuul ka ahayn ee waxaa ka masuul ah dowlada somalia ,maalintii  jimcihii maamulkan la yidhaahdo putland magaalo kasto oo khudbadii jimcaha laga akhriyey colaad hor leh iyo jihaad ayaa laga iclaaminaayey).

prepared-Aidarus Osman-Mr(Ayuubi).

Advertisement

Ku Xayeysiiso