Awdal Waa Hooyadii Somaliland, Hiraalka Iyo Horumarka Maanta Muuqdana Yadaa Lagu Soo Dhex Habeeyey, Sidaa Darteed Waa Iney Shacabkeedu U Hiiliyaan Ilaalinta Waxay Hindiseen.


 

“Ninka socodka taariikhda

raba inuu suldaareeyo

Sacab timole weeyaan

inuu suurto geliyaaye” Gaariye.

 

Ugu horeyn waxaan uga gol leeyahay tixdan Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), Waa fariin ku socota cid kasta oo reer awdal ah ama ku abtirsada magaalada boorama oo burinaya Sooyaalka iyo milgaha taariikheed ee uu baladkani leeyahay, Waayo Somaliland dhibaatada ku timaadaa waa dhibaato ugu horeyn iyo ugu badnaanba Saameyn taban ku leh Gobalka awdal, Aniga oo ah muwaadin reer awdal ah iyo masuul qaran oo reer Somalilandna sidaa awgeed waajibaadka muwaadinimo iyo kan masuulnimo waxa uu I farayaa inaan qalin ku dhiijiyo ama dawaad u qaato difaaca karaamada ay awdal Somaliland ku leedahay, Maxaa wacay yada ayaa dhashay Somaliland iyo Qarankaa tis-qaadey . Bacda areriyo bilawga ujeedkayga ila fiiriya taariikhdan ee kooban een maanta ku gor-gortamayo .

 

Buqcada Il-baxnimada iyo Barada ama waadiga Aqoonta Jamhuuriyada Somaliland waa magaalo-madaxda Gobalka Awdal ee Boorama,e waxay aheyd halkii laga anba-qaadey dhismaha Somaliland, Waxay boorama nasiib u heshay in Rabbi ajiibo darmadii iyo gogoshii ay hormoodkeedii dhaqanku u fidiyeen dhamaan beelaha Somaliland Sanadu markay aheyd 1993kii horaantiisii, Kaasi oo ahaa Shir-weynihii ay Somaliland ku bad-baadey , ku taabo-gashey, ku hano-qaadey, Si gobanimo lehna ay u qabteen Hormoodkii dhaqanka ee reer Awdal yagoo dhabarka u ritey soo af-jarida dhibaatadii mudooyinka socotey ee ay muteen shacabka reer Somaliland , Sidoo kale waxay dhexda u xidheen odayadii reer Boorama sidey umada jiho ama Dawlad ugu sameyn lahaayeen, Xaqiiqatan magaalada Boorama maalintan waxay qaadatey taariikhda Hooyonimo ee Somaliland maxaa yeelay gogosheedii dawladi ugamay horeyn dadkan iyo dalkaniba goobtiibaana laysu aaminey.

 

Waa Aaayad qur,aan ah ilaalinta waxaad beertay ama tabacii aad tamarta galisay inaad midho-dhalkiisa aad goonyaha ka joogtaa taasibaa gobanimo ah aad qayrkaa iyo qoomahaaba ugu faanto, Soomaalidaa ku maah-maahda (Fule Xantii Ma Moogana,e) , Waxaan leeyahay tolkay iyo umaad ka beermayeey dhambaalkan iga gudooma. Maalmahan waxa soo if-baxayey tiraabo qalafsan oo wax u dhimaya sharafteena , ta awdal iyo ta Somalilandba, Kuwaasoo u badnaa inaan ka soo yara caagan nahay difaaca ama ilaashiga qaranimadeena arinkaasina cida ku kacda ama ku fikirta wax lidi ku ah qaranimada Somaliland waa cid suulinaysa ama tir-tireysa Sooyaalka faca-weyn ee ay Awdal ku dhex leedahay Qarankan, Waayo waa baradii laga alkumey ee lagu bar-baariyey hana-qaadka Somaliland. Hadaba ilma-adeerayaal waxaynu nahay unkankii Somaliland iyo bilawgeedii samaanta , wanaaga, isu kalsoonaanta, Markaa waxa inala gudboon waajibaadkuna ina farayaa inaan ilaalino qarankeena oon difaacno cidii hadimo la maagana waa cid wixii aan abuurney ama aan sameynay tir-tireysa. Dabina ma,aha hadii aan talaabo ka qaadno cadawga carqaladeynaya dalkeena, dadkeena, iyo wixii inagu ka Awdal ahaan aan abuurney.

 

“Indhihii Bakoorada Qabaa Ma Arkaan Cadceeda” Somaliland waxay u Suura-galisey Awdal gogosheedii horumarkaa la taaban karo ee hada xayga ah, Waxana ku suntan taariikhdaa oo bogeeda baal dahaba kaga qoran Awowyaasheen iyo Adeeradeen halyeyadii yagu umadooda u naxariistey, Ee u fikirey, Aniga shakhsi ahaan si gaara ayey ii taabaneysaa waliba dhinaca Qoyska aan ka soo jeedo oo Raad weynoo miisaan iyo mug leh ku lahaa dhisida Qarankan Somaliland Iyo Aas-aaska gogoshii Dhidibada loogu taagey , Waa Reer (SHeekh Cali Jawhare), Hadaba tani waxay ina fareysaa ilaalinta magacii ama milgihii Aabayaasheen iyo Awowyadeen kuwaasoo dhaxal gaara inooga tagey hadaba inagu hadii aynaan buuxin kareyn booskoodii waxa inala gudboon sharfida iyo ilaalinta waxay Abaqaaleen yagu ileyn nina Aabihii ma gaadhee, Mid kale ku darsoo hadaad aqoon laadihiin Awdal Somaliland waxay ka tahay ama boga ay kaga taalo, Sidoo kale hadii ay jirto cid iska indho-tireysa Awdal waxa ay gaydo waxaan leeyahay iska hadlaw ina igarre , Laguu bixi mayo waana nagu waajib difaaca sooyaalka awdal iyo ta Somalilandba, In yar ila dhugo waxay Somaliland ka faa,iidey gogoshii iyo darmadii gacaltooyada ee Awdal gudaheeda ka qabsoontey 1993kii shir-weynihii mawqifada iyo mabda,a Somalilandnimo.

 

Waxa mudan in reer Awdal la tageero, la quweeyo, la qadariyo, lana ixtiraamo waxyaabaha ay Awdal ku noqotey Hooyada Somaliland, Waxaana ka mid ah qodobadan hoos ku xusan .

1: Hooyada Somaliland ee Awdal waxa uu Qarankani ku mutey shirkeedii Axdi-qarameed loo wada dhan yahay oo la wada ajiibey Wadariyo Waaxidba.

2: Hooyada Somaliland ee Awdal waxa uu Qarankani ku hantiyey oo maalintii la doortey Madaxweyne hal-adkaa, halyey ahaa, hogaamiye ruuxiya, siyaasi hilaadin lahaa, dan-jire aan gaban, danta umada ciseeya.

3: Hooyada Somaliland ee Awdal waxa uu Qarankani ku dhawaaqida ama sameysta Golaha Odeyaasha ama Guurtida waa marjaca iyo mayal-adeyga Qaranka Somalilandne.

4:Hooyada Somaliland ee Awdal waxa uu Qarankani ku dhex helay maamuus , walaaltinimo, Isu soo dhawaansho bulshooyinka Somaliland , sidoo kale waxa qabsoomey maalintan heshiisiinta Beelaha Ood-wadaagta ah ee Galbeedka Somaliland oo baradii isu saamaxey bogoodana burcad laysu mariyey.

5: Hooyada Somaliland ee Awdal waxa uu Qarankani ku helay gogosheedii Dimuqraadiyad midho-dhasha waana mar labaad Hooyada Dimuqraadiyada Somaliland.

Intaasoo dhan waxa Somaliland hooyo ugu noqonaya Magaalo –madaxda gobalka Awdal ee Boorama , Hadaba waa in aynu ilaashanaa hadaynu nahay reer awdal milgaheena, sharafteena iyo hindisaheena, Wixii carqaladeynayana waa inaan ka difaacnaa maanta iyo barriba , Bar-barkay Ka Baxdaa Waa Bakeylo Qaleen.

 

Waa waajib muwaadinimo iyo ilaalinta cisigeena Difaaca Qaranka Somaliland , Cadwga daafyaha ka jooga ee sida dafada gaadaya , Waa kuwo ujeeda inaga Awdal ahaan maadaama ay nahay hooyada Somaliland , Haday cidi suul-daarto Somaliland waxay suul-daareen Awdal sidaa darteed guud ahaan iyo gaar ahaanba waa inagu maqadas difaaca dalkeenu, Waxba cuqdadu ma fiicnee aan mid idin idhaahdo ma jirto dunida Hooyada ilmaheeda daayacdaa ee aan ilaashano ubaxa aan beerney waa Somalilandne, Sidaan kor ku soo qaatey waxaynu gaynaa waxaasoo midho ah kuwaasi oo loo tirinayo iney Awdal ku sumadeysan tahay, Markaa nin walbaa waa inuu xagiisa ka xajiyaa hanfaadinta Geedi-socodka qarankeena barakeysan ee waliba ku suntan barakadii iyo khayrkii barada Awdal.

 

Soo af-meerida qoraalkan aan maanta u holadey waxaan leeyahay Tolaay Reer Awdalaw Dhankaad iga xigtaan bay dhaxantu iga haysaa, Waar maanta waxa uu cadaw sansadey midhihii aad beertay ku tabacday, tamarta aad u hurtay, hore aad ugu hagar-baxdey, Markaa xiligan suuromeyso waxaad ku soo taamtey in aayer Garoowe laga soo yara hujuumaa , Midaasina ma,aha mid ay qaadanayaan dadka reer awdal ee indheer-garadka ah.

 

Waxaan uga sii gudbi soo gaba-gabeynta heestii odhan jirtey.

 

Dadka Ninka Ugu Il-dheerbaa

Ugu Ayaan-daran .

Waxaan La Arkeynbaa

Isaguun U Muuqda.

Aheey Ah Maskaxdaa Laga

Abaaroobey.

Waxaanen odhan tolkayaw ila arka waxaan arkayo oo ila dhugta waxaan idiin dhiijinayo waayo sharaftaada in la dhantaalaa waa dhamaanteen dhantaalkeena, Taasina waxaan uga socdaa hadii Somaliland dhibi ku dhacdo ama wax ku habsadaan inagana si gaara ayuu waxaasi inoo taabanayaa , Sababtuna waa hooyonimada aan Somaliland u nahay hooyada, Durka Somaliland Waa durkeena ama Awdal daan-daansigeeda markaa waa inaan diyaar u ahaanaa difaacisteeda sida imikaba muuqata waan ku jirnaa difaaca balse aan dhaafno waxoogaaga yar ee hoos-u-guuxa ifa-faalaheena ka soo bidh-dhiya.

 

Wabilaahi Tawfiiq Fii Amaani-Laah.

W/Q: Khadar Sh.C/laahi Sh. Cali Jawhar.

Gudoomiye-ku-xigeenka Hay,adaha Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka.

Hargeysa/Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso