Kulan labo Geesood Ah Oo Ay xarunta Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Ay Ku Yesheen Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Hoos yimaada Gobolkaasi Ayaa Waxaa Lagu Lafo Guraayey Sidii Ciidamada Qaranka Somaliland Taakuleyn lala Barbar Istaagi Lahaa..

(Toggaherer)-Kulan labo Geesood Ah Oo Ay xarunta Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Ay Ku Yesheen Badhasaabka Gobolka Maroodijeex iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Hoos yimaada Gobolkaasi Ayaa Waxaa Lagu Lafo guraayey Sidii Ciidamada Qaranka Somaliland Taakuleyn lala Barbar Istaagi Lahaa..

kulankaasi ayaa waxaa gob joog ku ahaa Gudoomiyayaasha xafiiska Gobolka maroodijeex iyo masuuliyiin kaleba.

Gudoomiayaha degmada faroweyne oo goobtaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa ka waramay sida guddiyada kala duwan ee ka dhisan degmadaasi ay u garab taagan yihiin ciidamada qaranka somaliland oo halyeeyo qaran ah,oo aanay cidna soo hawaysan karin, halka uu sidoo kalena uu xusay in dhanka wax soo saarka ay ka degmo ahaan sanadkan xoogga saareen.

Dhankoodana Goomiyayaasha degmooyinka maroodi jeex hoos yimaada ayaa goobtaasi ka balan qaaday in ay hiil iyo hooba la barbar taagan yihiin ciidamada qaranka somaliland oo cidkastoo soo gardareysata dhirbaaxo kulul ku dhufta .

Gabogabadii kulankaasi Gudoomiyaha Gobolka maroodi jeex Jaamac xaaji Axmed Cabdi ayaa si qotodher uga waramay ahmiyada uu kulankaasi lahaa iyo ujeedooyinka uu daaranaaba ayaa yidhi:

(shirkeenan ajandihiisa qodobada ugu muhiimsan haddii aan so qaado taakuleynta ciidanka qaranka somaliland ee jiida hore sida aad wado ogtihiin ,ciidanka qaranka somaliland oo marwalba heegan u ah difaacida qaran-nimada somaliland iyo daleena xuduudahiisa ,iyagoo guulo l taaban karoka soo hooyey in aynu isgarab taagno guud  ahaan qarankeena gobolkan maroodi jeex iyo degmooyinkiisa kala duwanba,waxaanan u mahadnaqayaa haween weynaha Gobolkan maroodi jeex iyo gobolada dalkoo dhanba ayaan uga mahadnaqayaa ,farriinta kamadambeysta ah ee aan farayaa waxa weeyaan in aynu isbarbartaagno ciidamada qaranka somaliland).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso