Han yaraan baa hoday Bashe Cabdi Yuusuf

Han yaraan baa hoday

Bashe Cabdi Yuusuf

 

RAGBAA SEDKUU XAMAR KA DEYAY, SABABI DOONAAYE

 

KUWAA SOORTU NAGA QAADATAA, SEEFTA LOO TUMI E

 

            NINKAA OO SAWAABANI HADDUU, SEEGAY ERAYGIISA

 

            UU MOORGAN GACAN SIINAYOO, CADOW SALAAMAAYO

 

          

Cabdi wali A.Cilmi(IHUN)

 

Mareegta Farshaxan

May 2018

Dadaalkii iyo kartidii wax lagu baray ayey dayaceen;Waxay  ku gabood faleen nabbadii loo dhaliyey in iyaga wax noqdaan; dadkii u dhintay ama u naafoobey inay iyagu liibaanaan ayey ku gafeen; waa dhalinyarana la odhan kari maayo,haddana caqligoodu muu korin; sooyaalka halgameed ee dalkooda maalgashadey  ayey dhinac mareen;waa ayaandaro ku habsatey dhalinyarada u dhaxeysa 25jir  ilaa  35 jir. Hase yeeshee Soomaalilandmaanta   waxaymareysaa  hangaraarac lug uma dhuntiyo,waana Illaahay mahadii..

Gu’gii 1991kii  bishii May 18dii ayaa bulshada wada degto wadanka Soomaaliland go’aan midaysan ku gaadheen in Maandeeq dib loola soo noqdo. Waxaa dib loo soo celiyey taariikhdii 1960kii. Waxaa soo baxey labadii dal ee xilligaa jiray waa Soomaaliland iyo Soomaaliya ee.

Dadaal  iyo  halgan muddo dheer soo socday oo ka soo bilaabmey  dhawr bilood ka dib isku darsadkii ayaa suurtogaliyey in Soomaaliland dib goonigeed isku taagto. Dad faro badan ayaa  naf, laxaad,hanti iyo  aayaba ku seegay si ay u suurtogasho in Maandeeq la guryo keeno, oo midawgii dhiciska ahaa waliba sharci darada ahaa laga baxo.

Dhiiga waxa loo daadiyey ee hantida loo  sadqeeyey si ay jiilka danbe Maandeeq ugu caano badiso. Waxay aheyd talo wanaagsan oo loo hawlgaley. Laguma khasaarin ee  jiilkii danbe ee Soomaaliland u  kacey  waxay heleen waxbarasho aaney u baqoolin, nabadgalyo waafi ah, bulsho degan oo iyaga u wada heelan.

“Waxaan  sameeyey jaamicad wax lagu barto oo dhakhtarka ku xidhan si lo helo in dalka iyo dadka loo tababaro dhalinyaro xilka caafimaadka  gudata, bulshadana daryeesha” ayey tidhi Marwo Dr. Edna Aadan Ismaaciil oo ka hadleysay  sida wax badan loogu fududaynayo dhalinyarada si ay aayaha dalka iyo dadka wax ugu qabtaan. Hase yeeshee  Marwo Dr. Edna oo hadalka sii wada ayaa tidhi “Waase lagu hungoobey oo intooda badan han durugsan ma laha ee hunguri dhaw baa hagaya oo private-yada ayey u shaqo tagaan marjay ugu dhaw yihiin”.

Waa weedh aad iyo aad u  xoogan oo qof in uun dareen leh dib u xasuusinaysa halgankii dheeraa ee loo soo maray  dib u hanashada Dalka Soomaaliland.

 

Maahmaah carbeed baa tidhaahda “Weel walba waxaa ka soo daata waxa ku  guda jira”.  Qof kastaba  waxaa ka soo ifbaxa inta u aasan ama uu dareen ahaan ku qanacsan yahay. Taasaana hagta hankiisa uu hiigsanayo.  Aqoonta qofku leeyahay haddii aaney tusin wanaaga wuxuu ka dhigan yahay dameer lagu raray malab. Sidaa darteed ayaad arkeysaa dhalinyaro iyo waayeel  hankoodu wiiqmo  markay  dareenkooda qarsoon waraabin kari waayaan. Dhawr gudoomiye Urur Siyaasadeed oo Soomaaliland u tartamey  xisbinimo kuna doodayey in ay Soomaliland ku hagayaan dariiqa toosan ayaa Illaahay muujiyey dareenkooda hoose ee colaadu ka buuxdo. Waxaa ka mid ah kuwaa Maxamed Cumar Carte Qaalib ( Urur Siyaasadeedkii Damal), Foosiya Yuusuf X Aadan ( Urur Siyaasadeedkii NDB)  iyo  Nuur Faarax Xirsi ( Urur Siyaasadeedkii Gurmad) .

Waxay  ku ololeeyeen oo ku dhaarteen inay mabda’a Soomaalilandnimada  haystaan una hanweyn yihiin inay madax ka noqdaan dalka Jamhuuriyada Soomaaliland,ururkooduna ka mid noqdo saddexda xisbi ee doorashada 2012 ku soo baxaya.

Guddida Diwaangalinta Ururada ayaa waxay ururada iyo xisbiyada  siyaasadeed  ee tartamaya  la wadaageen  in uu  Xisbinimo u gudbi doono oo kaliya Saddexda Urur/xisbi  ee 6-da Gobol ee Soomaaliland midkasta ka hela Codod gaadhaya 20%, ayna sidaas ku noqon doonaan saddex Xisbi Qaran.

Si kastaba ha u dhacdee waxaa xilligaa tartarnkaa ka qayb galay ilaa 13 urur iyo saddex xisbi hore u ahaa. Waxaa  soo baxey oo kaliya saddex xisbi qaran oo kala ahaa : KULMIYE, WADANI iyo UCID. Waxaana doorashadaa ku hadhey  ururada siyaasadeed ee  Nasiye, Dalsan, Rays, Xaqsoor , Umadda ,Damal,Horyaal,NDB,Badbaado, UDHIS,Gurmad, SSCD iyo Jamhuuriga,  Hase yeeshee  dhamaan  ururadaa hadhey tiro kooban  ayaa gudoomiyayaashooda ay u dahsoonayd  dareen  ka soo horjeeda hanaqaadka dalka iyo dadka Soomaaliland.

Dareenkaasi qarsooni  muu raaginee isla gu’gii 2012kii ayuu soo shaac baxey, waxaanay ka dhex hilaaceen magaalada Muuqdisho oo ay xilal ka raadinayeen dawlada Federaalka ee Soomaaliya. Ma jirto meel ay kaga noqdeen mabda’ii hore ee ay haysteen , hase yeeshe mabda’an u dahsoonaa ayaa muujinaya inay si toos ah uga hor yimaadeen  qaranimada wadanka Jamhuuriyada Soomaliland.

Inkastoo looga horeeyey  kooxdan cusub  muujinta dareenkooda qarsoon. Haddana waxay horseedeen  in ay dhalinyaro badan duufsadaan oo u gacan haadiyaan. Arimaha sidan oo kali ahi waa guul u soo hoyatey dalka iyo dadka reer Soomaaliland. Illaahay wuxuu ka nadiifinayaa kuwa  dantooda gaarka ah u heelan ee u dhex jooga ummada, markay waayaana dalka iyo dadka baaba’iisa ka shaqeyn lahaa.

May 29, 2018 ayaa magaalada  Muuqdisho lagu dhaariyey  Bashe Axmed Yuusuf.  Waxaana loo dhaariyey inuu noqdo gudoomiyaha Maxkamada Dawlada Federaalka ee Soomaaliya.  Wuxuu Bashe u arkey arintan guul u soo hoyatey, waxaa dusha soo marey hankiisa wixii hagayey.  Bashe wuxuu ka mid yahay dhalinayarada  wax ku baratey dalka Jamhuuriyada Soomaaliland. Sidoo kale wuxuu ka mid yahay dhalinayarada  xilal xukuumadeed iyo xisbiyeedba ka soo qabtey dalka Soomaliland.

Xilalka  qaran  ee uu soo qabtey intii uu joogay dalkiisa uu ka biyo-doorsadey waxaa ka mid ahaa: inuu noqday Agaasimihii hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland,Agaasimihii Hore ee Wasaarada Arimaha Bulshada Somaliland iyo  Madaxa Maamulka Xafiiska Xisbiga Wadani ee Hargeysa.

Cabdiqaadir Saalax Iidle  oo ah xoghayaha gaarka ah ee gudoomiyaha xisbiga Wadani  ayaa mar laga wareystay dhacdan si qurux badan oo waayeelnimo ah ugu jawaabey:

“Bashe wuxuu ahaa nin aqoonyahan  oo reer Soomaaliland ah oo xisbiyada qaranka iyo Soomaalilandba ka soo shaqeeyey,  labadii sanno ee ugu danbeeyey Xisbiga Wadani  ayuu ka tirsanaa. Laakiin laba bilood ka hor ayuu iscasilay,  waxaana  iscasilaadisa laga aqbalay  bishii April (2018). Intaa ka horna xisbiga Kulmiye ayuu ka tirsanaan jiray  iyo maamulkii xukuumadii hore ee Kulmiye oo uu agaasime ka gaadhey”.

 

Intaasoo dhani waxay muujinayaan inuu Bashe Axmed Yuusuf u heelanaa himilada iyo  horumarka dalka Jamhuuriyada Soomaaliland. Waa ayaandaro hor leh iyo aafo ku dhacdey dhalinyarada dalal badan oo aduunka ka mid ah. Saameynta ugu weyna ay ku leedahay dhalinyaradan oo  ka indho iyo dhago la’ sooyaalka halgameed  ee dalalka ay u dhasheen,ku barbaareen, wax ku barteen,iwm.

Waxaa Ayaandaro weyn ah in uu Bashe Axmed Yuusuf ku dhaarinayo  Shariif Sheekhuna Maye. Aqoon la,aan baa col hoday, gu’gii 1982kii bishii Febraayo 20dii ayaa  waxaa maxkamadii   dulmiga ku dhisnayd ee Dawladii ina Siyaad Bare la hor keenay dhalinyaradii UFFO.  Dhalinyaradani waxay ka dhiidhiyeen tayo la’aanta ku dhacdey waxbarashadii, nabadgalyadii, caafimaadkii,iwm ee dalka iminka ah Jamhuuriyada Soomaaliland.

Waxaa markaa loo  xilsaarey inuu  baadhitaan ku sameeyo  kiisaska la soo malmaluuqay  ee loo haystay  dhalinyaradan.Waxaase ka sii daran inuu isagoo  danbi baadhe ka ahaa kiisaskan haddana loo adeegsadey inuu noqdo  Hogaanka Maxkamad ku sheega. Garyaqaaadii u doodayey dhalinyaradaa ayaa arintaa ka biyo-diiday kuna dooday side buu u dacwada u qaadi karaa kii kiisaska baadhayey.Haddana iyagoo aad ula socday  inaan dalka sharci jirin, iyo isaga oo ka soo jeeday qabiilka Digile iyo Mirifle ayey  ku dhaafeen in ku kaloo buur ku tiirsan la keeni karo. Sidoo kale waxay aaminsanaayeen in aanu Shariif Sheekhunaa Maye waxba xukumeyn ee  akhriyayo  go’aan Muuqdiso laga soo diray.

 

In Shariif Sheekhunaa Maye  loo doorto ninka dhaarinaya Bashe Axmed Yuusuf  waa fariin aan gabasho laheyn oo cadawtinimo banaanyaal ahi ku ladhan tahay. Dhamaan kuwa u dhashay wadanka Jamhuuriyada Soomaaliland ee calooshu ka fekera caqliguna awdan yahay  ayey fariintaasi leedahay:“Kuwii  gumaadkaaga ka qayb qaatey ayaa wali u heelan inay  labeentaada hantaaqaan”.

Shariif Sheekhuna Maye wuxuu dhawaan u tartamey  inuu noqdo  gudoomiyaha golaha shacbiga ee Dawlada Federaalka Soomaaliya. Hase yeeshee waxaa ka dahsoon inuu yahay camiil loo dhiibo uun xilka  la doonayo aanuse helin xilka uu u qalmo. Qabiilka uu ka soo jeedo  Shariif Sheekhuna ee Digile iyo Mirifle waxay  diidmo cad ka muujiyeen  xisbigii SYL horaantii 1948 markay arkeen in la adeegsanayo . Sidaa darteed ayey gu’gii 1950 si toos ah uga baxeen ugana soo horjeesteen lana baxeen Xisbiga Digile iyo Mirifle oo uu hogaamiyena ka noqday  Cabdiqaadir Maxamed Aadan (Soobe). Shariif Sheekhuna wuxuu ka  mid yahay  koox uu qaranka Soomaaliland ku raadjoogo si maxkamad loo soo taago,waxaan kuwaa ka mid ah: Dad qalki Hargeysa (Moorgan), iwm.

Haddaba maxaa la kala gudboon dhacdooyinka sidan oo kale ah ummada iyo xukuumada reer Soomaaliland? Waydiintan  in la falqeeyo oo aad looga baaraandego ayaa haboon. Waxaase malaha mudnaan laheyd :

  • In Xukuumadu la timaado qorshe ay hirgalintiisa aad uga fiirsato una heelan tahay  oo aan aheyn xadhig.Waxaa qurux badnaan laheyd in madaarada iyo xuduudaha  la dhigo magacda qaran dumiyayaasha oo aan loo ogolaan inay soo galaan.Qorshe kasta oo ay dawladu la timaado waa inuu ahaado  hawlgal loo siman yahay oo qof kasta oo danigan oo kale ka gala qaranku lagu fulinayo,waanwaan la’aan.
  • In dadeynaha reer Soomalialnd si buuxda u taageeraan go’aanka iyo qorshaha dawlada, aaneyna la iman wax waanwaan ah.

 

Waxaan ku soo gunaadnadi lahaa Soomaaliland socotee.

Calankaan dhadhaabaha u koray,dhib iyo haydaarta

Calankaan la dhaygagay wixii,dhiilla igu gaadhay

Calankaan dhaqaalaha naftiyo,dhuuni uga giigay

Dhalanteed ninkii moodayow,waan ka dhiidhiyaye

Dhagarteenna kala daa adoo, nabadda dhawrayoo

 

Abwaan  Xasan Cilmi Diiriye (IHUN),,

 

 

Bahda Mareegaha Farshaxan

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso