Gudaha Ka Eeg :Dhalinayaro Reer Hargaysa Oo Ku Gudo-Jira Qorshe Ay Taalo Ugu Dhisayaan Sayid Maxamed Cabdale Xasan .

 

Aqoonyahano reer Somaliland ah oo ay horkacayaan Cabdiwahaab suldan Cumar Xaji Daahir iyo Dr. Mustafe Maxamed Cabdi Wayrax ayaa ku guda jira qorshe ay taalo ugu dhisayaan halgamaagii weynaa ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan

Qorshaha muwaadiniintan iskood isu xilka saaray ayaa lagu wadaa in uu u hirgalo oo loo fuliayo si dhaqso ah.

Dhalinyaradan ayaa Waxa ay baaq u direen madaxda dowlada Somaliland ee uu ugu horeeyo madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi in ay gacan ku siiyaan hirgalinta mashruucan .

Dhismaha taaladan ayaa la sheegay in laga dhisi doono magaalada Hargeisa, waxana uu warku intaasi ku dareen in ay haatanba ku gada jiraan meelmarinta mashruucan oo dad badan soo jiitay

Ujeedada Taalada Sayid Maxamed Cabdule Xasan ee magaalada Hargeysa ayey ku sheegeen si loogu  cadeeyo bulshada Somalida ah meel kasta ha joogeene in aan nacayb iyo cunsuriyadi ka jirin Somaliland, islamarkaana ay sharaf iyo karaamo u hayaan halyeyadii iyo halgamayaashii qarankan Somaliland ee uu Sayid Maxamed Cabdule Xasan ka midka ahaa, iyagoo ku sheegay in Sayidku uu ahaa halgamaa reer Somaliland ah sidaasi darteena ay waxba kama jiraan yihiin wararka beenta ah ee warbaahinta qaar lagu faafinayo ee dadka lagu majara habaabinayo loona tusayo umada in Somaliland ay cid gaar ahi leedahay.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso