Afhayeenkii Hore Ee Xukuumadii Axmed Silaanyo Xuseen Aadan Cige Ayaa Ka Hadlay Dagaalka Tukoraq…

(Toggaherer)-Afhayeenkii Hore Ee Xukuumadii Axmed Silaanyo Xuseen Aadan Cige Ayaa Ka Hadlay Dagaalka Tukoraq…

Afhayeenkii Hore Ee Xukuumadii Axmed Silaanyo Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr) Ayaa ka hadlay dagaalka Tukoraq,waxaanu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlayaa :

(gardarada qaawan ee lagu soo qaaday jamhuuriyada somaliland taasi oo lagugu soo gudbay xuduudaheeda bariga naf , maal iyo dadba ay arrintaasi ay sahayatay ,jamhuuriyada somaliland waxay awood u leedahay in ay gud ahaanba iska difaacdo cadowga jamhuuriyada somaliland nooc kasta oo uu yahayba in ay iska difaacdo waxaan kaloo jecelahay in aan hoosta ka xariiqo jamhuuriyada somaliland waxay beesha caalamka ka tirsanaysaa gaf soo jirsatay intii ay somaliland jirtayba somaliland xaq looguma laha in la yidhaahdo ciidamadiina dib u soo qaada .

Ciidamada somaliland waxay joogaan dalkoodi  oo soohdintoodii ayey joogaan oo marnaba soohdin dal kale leeyahay kumay gudbin,ujeedada labaad ee dagaalkani leeyahay waxaa weeyaan in la soo nooleeyo fikirkii dhicisoobay ee waa hore jiri jiray ee ahaa soomaali weyn .

Haddii maanta xuduudii Somaliland ee boqolka iyo shan iyo labaatanka sanadood la lahayd somalia la iska indho tiro oo la duunaayo xuduudo isirnimo ku salaysan in la sameeyo barina waxaa dhici doonta in farmaajo iyo cidda la halmaalaa ay yidhaahdaan keeniya Geelayaga ayaa daaqa gaarisa sidaasi awgeed xuduuda kiiniya ma jirto,xuduuda itoobiya ma jirto taasina waxaa weeyaan isbalaadhintii iyo fikirkii dhicisoobay ee soomaali weyn ayaa horta salka ku haysaa .

Toddoba iyo labaatan sannadood ayaa somaliland soo dhisaysay nabadgalyadaasi afrika , iyadoo aanay cidna waxba ku siinin ,in arrintaasi faraha ka bixi doonto waxaana weeyaan in aduunyadu fahanto in farmaajo iyo Cabdiwali ay ku raadgadanayaan amase masuuliyadoodii ay ku saaqideen xilkii ay u qaadeen ummadda soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba dagaalkani iyo gardaran lagu soo qaaday qaranka somaliland,beesha caalamkana waxaa ku waajib ah in ay cambaareeyaan dagaalkaasi gardarada ah).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso