Saddex Ruux oo uu ku jiro nin amaan ka tirsan ayaa lagu dilay howlgal u eeg argagixiso oo ka dhacay Belgium


Baadhayaasha ku takhasusay argagixisada ee dalka Belgium ayaa baadhaya dhacdo toogasho ah oo Saaka Subaxnimadii ka dhacday Magaalada Liege ee Belgium.

Ruux weerar gaystay ayaa dilay saddex qof kahor inta uusan booliisku dilin, Dadka dhintay waxa ku jiray nin amaanka ka tirsan.

Ninka Weerarka geystay ayaa la sheegay in uu ka baxsaday goobta kadib markii uu dilay Ruuxa aamaanka ka tirsan ka dibna waxa uu galay Dugsi isaga oo u qabsaday afduub ahaan ruux shaqaale nadiifiye ah laakiin ciidamo gaar ah ayaa dugsiga yimid waxayna dileen ninkii weerarka geystay.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso