Maareeyaha Wakaalada Biyaha  Hargeysa Ayaa Ka Dhago  Adaygay In Horyimaado Mudanayaasha Guudida joogtada Ee Golahaasi Guurtida Somaliland Xilli Biyo Yaraani Ka Taagan Tahay Caasimada Somaliland..

(Toggaherer)-Maareeyaha Wakaalada Biyaha  Hargeysa Ayaa Ka Dhago  Adaygay In Horyimaado Mudanayaasha Guudida joogtada Ee Golahaasi Guurtida Somaliland Xilli Biyo Yaraani Ka Taagan Tahay Caasimada Somaliland..

Maxamed Cali Daarood oo ah Maareeyaha wakaalada Biyaha Magaalada Hargeysa ayaa ka gaabsaday dalab ay mudanayaasha guddida joogta ee golahaasi guurtida somaliland kaga dalbanaayeen In mashruuca biyo balaadhainta uu uga waramo halka mashruucaasi uu maraayo iyo sidii wax looga qaban lahaa biyo yaraanta ka taagan caasimada Somaliland ,ka dib markii uu fashilmay mashruucii biyo galinta xumbo weyne oo ay Bulshadeenu u dhagtaagaysay mudada dheer .

Arrinta uu maareeyaha wakaalada Biyuhu  ee magaalada hargeysa uu kaga gows adaygaayo in uu horyimaado mudanayaasha gudida joogtada ee golahaasi guurtida Somaliland ayaan looga baran in masuuliyiintu garab maraan dalabka ay mudanayaashu kaga cosanayaanin ay horyimaadaan si ay wax uga waydiiyaan howlaha ay qaranka  u hayaan ,arrintaasi ayaa haddii uu caadayso maareeyaha wakaalada biyaha magaalada hargeysa waxa laga yaabaa in baarlamaanku xasaanada ka xayuubiyaan mar haddii aanu dalabkooda dhag jalaq u siinaynin oo ay mudanayaashu  xarunta baarlamaanka Somaliland muddo dheer ku dhex sugayeen maanta ,isagoo idam la-aan kaga maqnaa.

Dhinaca kalena Muwaadin Ismaaciil Muxumed Oo Ku nool Magaalada hargeysa  ayaa cabasho balaadhan ka muujinaya biyo yaraanta ka taagan magaalada hargeysa oo aan biyaha wado helin .

Daawo-Muuqaalkaasi:

Magacaygu waa ismaaciil Axmed Xuseen Waxaan ka mid ahay Guddida xaafada isha boorame waxaanu ka cabaynaynaa biyo yaraan ka taagan xaafadani.

Halkani Hoose Guji Oo daawo Muuqaalkaasi oo faahaahsan:

Advertisement

Ku Xayeysiiso