Bangi Swiss ah oo joojiyay xidhiidhka Ama Macaamilka dhaqaale ee cusub inu la yeesho Iran


Bankiga Swiss-ka ee BCP ayaa sheegay inuu joojinayo in la sameeyo wax macaamil dhaqaale ah oo cusub dalka Iran ka dib markii Maraykanku ka dalbaday shirkadaha reer galbeedka in ay joojiyaan la macaamilka Iran ama ay la kulmaan cunaqabateynta Mareykanka.

Bankiga ayaa ku sheegay hadal uu soo saaray Salaasada Maanta in ay bilaabeen in ay yareeyaan macaamilka Iran laga bilaabo May 8, sida lagu sheegay tilmaamaha Waaxda Khasnada ee Maraykanka.

Maraykanka ayaa ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iran waxaanu ku soo rogay cunaqabatayno adag .

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso