Sirta Dahsooni Waa Habka Fahamka Maskaxda Aadamaha Qaybtii 3-aad

Waxa kale oo aad u layaab badnaa todoba (7) su’aalood oo ay ka xanaaqi jireen, haddii la weydiiyo shaqaalihii (Cruise) markabkii aanu saarneyn, waxaana ka mid ahaa su’aalahaasi, korontadii maxaa ku dhacay? Isgaadhsiintii maxaa ku dhacay? Qolkaygu malaha biyo? Maceeshadii maxaa qaaliyeeyey? Miyaanu markabku lahayn adeeg caafimaad oo bilaasha? Miyaanu jirin hudheel lagu iibiyo cuntada badda? Maxaad u hagaajin weydeen suuliyada Markabka uu leeyahay? taasoo ay sabab u ahayd in aanay intooda badan gacanta ugu jirin shaqaalihii (Cruise) ee markabkaasi S-Dnal-Re.
Markii uu dhamaaday caymiskii uu kula jiray dowlada Ingriiska, qarnigii 19-aad, waxa uu markabkaas hormood ka noqday bilowga shirkad cusub oo lagu yagleelayey caymiska maraakiibta mandaqada geeska Africa, kaasoo noqday mid lagu guul-dareystay hirgalinta himiladdii laga lahaa shirkada caymiska maraakiibta.
ka dib, waxa aanu ku soo beeganay xuska dabaaldeg lagu xusayey sannad-guurada maalintii ugu horeysay ee markabka S-Dnal-Re uu u kala gooshay daafaha dunida, taasoo aan ka xasuusto midhihii luuqda erayada dhawaaqa codka dananka lahaa ee jiibta iyo jaanta ay isla helayeen shaqaalihii (Cruise) markabkaas, waxa ka mid ahaa.
Sidii dayax soo baxoo
Intuu sagal roob dhex-galay
Cadeeda sagootiyaay
Siraad ii nuurayaay
Adaa sadrigayga galay
Wadnaha ku dulseexdayoo
Naftiiba adaa sitee
Waxaan sugayaa annigu
Inuu Alle innagu simo
Aroos loo sacab tumee
Kalsooni naftaada sii .

Aduunyadu waa silsilad
Salaamo wareegayoo
Subaxba waabaa baryoo
Saadaal kheyrlaan arkaa
Sursuur waa laga baxaa
Sabool waa laga dhaqdaa
Sedkaagu hadduu yar yahay
Iimaanbaa lagu sedkaa
Hadday inna seegtay tallo
Sideed Saddex iyo Todoba
Khaldkii waataan saxnee
Allow samo nooga yeel.

Maalintaas anigoo ku hamiyaya in aan ku wareego markab uu Ingiriisku lahaa, ayaan kula kulmay nin la socon jiray markab uu Ingiriisku lahaa hudheel ka mid ah hudheeladii markabkaasi, kaasoo, iiga sheekeeyey nin ay saaxiib ahaayeen oo habeen habeenada ka mid ah u soo galay, isagoo sita quraarad aad u weyn, ka dibna, waxa uu ii sheegay, marka uu dhinto in la gubo oo dambaskiisa lagu shubo quraaradii uu sitay, isla markaana aan geeyo tuulada xaraf.
Anigoo la yaaban sheekadaas, ayuu yidhi, isagoo hadalkiisii sii wata:- Waxa uu ninkaasi qabay gabadh cadaana oo uu aad u jeclaa, balse, aan wax caruur ah u dhalin, taasoo, markii danbena u geeriyootay xanuunka Kansarka oo ku dhacay, wakhtigan xaadirka ah waxa u yaala qolka hurdada uu seexdo quraarad weyn oo uu ku jiro dambas, gurada sarena uu ka sudhan yahay sawirkii gabadhiisa.
Saacado ka dib, waxa nalagu war-galiyey in markabku madaafiic uu ku ganay Laashash soo hujuumay oo ay saarnaayeen qowlaysato budhcad badeed ah, isla markaana uu wax-yeelo gaadhsiiyey mowjadihii iyo madaafiicdii uu ku ganayey Laashashkaas, muddo yar ka dib, haddana waxa nalagu war-galiyey in markabka ay ku soo waajahan tahay duufaanta loogu magac daray Siyaasadii siyaasigii Hadimo-taliska ahaa ee Cyclone Ismail Buubaa, duufaantaas oo waxyeelo badan soo gaadhsiisay qaar ka mid ah dadkii ku laydhsanaayey banaanka barxada weyn ee uu lahaa markabkii aanu saarnayn ee S-Dnal-Re……………… La soco

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Advertisement

Ku Xayeysiiso