Wasiirka Ciyaaraha Masar oo shaaca ka qaaday waqtiga La Filaayo inuu ku Bogsado Ciyaaryahan Saalax

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee Masar Khalid Cabdulcasiis ayaa sharaxay faahfaahina ka bixiyey dhaawaca soo gaadhay Maxamed Salah.


Wasiirka ayaa ku sheegay bartiisa gaarka ah ee Facebook, in Saalax ka dhaawamacay garabka bidix isagoo sheegay mudada uu ku bogsanayo waxanu sheega in dhakhaatiirtu sheegeen in ay qaadanayso ilaa laba toddobaad.

Waxaanu tilmaamay in Kooxda caafimaadka ee Liverpool Club ay la xidhiidheen Kooxda caafimaadka ee Qaranka Masar, taasoo muujineysa in ay ku heshiiyeen in Salah sii joogi doono Liverpool si loogu daaweeyo ka dibna uu yimaado xerada Tababarka kooxda Masar ee Italy markaay go’aaminayaan dhakhaatiir.

Wasiirka Ciyaaraha Masar ayaa sheegay in Salah uu ku sii jiri doono liiska kama dambaysta ah ee xulka Masar si ay uga qeyb qaato Koobka Aduunka kaasoo la qorsheeyay in lagu dhawaaqo 4-da June.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso