Cabdi Maxamuud Cumar: Geesi aan Gaban. W/Q: Cabdi Muhumed

Cabdi Maxamuud Cumar: Geesi aan Gaban.

Waxay uun ahayd markii uu dhawaan si badheedha uga soo dhex mudhay
Cabdi Maxamuud Cumar taariikhda Soomaalida marka laga soo bilaabo
xilli fog oo aan cidina hadda garanayn taasi oo uu ku talaabsaday
taariikh aanu samayn qof isaga ka horeeyay oo soo maray madax,ama ku
nool dhulalka Soomaalidu dagto ee ku kala filiqsan Geeska Afrika sida
Somaliland,Soomaaliya,Dawlad deegaanka Soomalida ee Ethiopia,Jibouti
iyo Koonfur Barri Kenya oo ay iyagana ku dhaqan yihiin dad
Soomaaliyeed,marka laga tago Siyaasadda oo lagu kala qoqoban yahay ama
lagu kala aragti duwan yahay may dhicin si’uun inuu hogaamiye
Soomaliyeed ka dhabayn karo waliba labadii xoroobay 60-kii waa
Somaliland iyo Soomaaliya oo jiray mudo isku gayn ah 58 sanno kuwaasi
oo laga filayay inay arrinkan oo kale ku talaabsadaan xilli hore. Waxa
in la xuso u baahan in Madaxwayne Siyaad Barre ku tiraabay in uu
aasayo Qabyaaladda oo dadku isku mid yahay laakiin ma noqon wax dawo u
noqota arrinkaa ku dhisan Hayb-sooca aan lahay sabab diimeed iyo mid
Caqliyeed toona ee dadkaa lagu hayay mudo dheer oo aanay iloobi
doonin.

Somaliland ayaa haysatay fursad ay wax kaga badali karto dhibaatadaa
mudo 30 sanno ku dhow oo ay jirtay lana soo noqotay
Madaxbanaanideeddii,iyadoo Hogaamiyaha hadda Waa Muuse Biixi ee iska
daa arrinkaa oo uu wax ka qabtee ku Aflagaadooday Cali Cabdi Saai’q oo
ka tirsanaa Xisbiggii Kulmiye kaasi oo ka uriyay inuu u janjeedeho
Xisbigga Waddani taasi oo xataa haddii ay jirtay la odhan karo waa uu
u madax banaanaa inuu cabiro aragtidiisa siyaasadeed ama ku biiri
karo Xisbigga uu doono oo aanay ka reebayn Ardaaga uu ka soo jeedo iyo
wax la mida,waxaa la odhan karaa waa fursad ay lumisay Somaliland oo
ay heli karaysay inay tirtirto Caadadaa foosha xun oo soo taxnayd mudo
dheer oo dadka qaar badani xusuusan karaan guurkii badhtamihii
Todobaatameeyihii ka dhacay Hargaysa taasi oo ay is Calmadeen Kinsi
Axmed Nuur iyo Xariir Cabdillahi Garab-adhi taasi oo Hargaysa oo dhami
isla uugaanatay guurkaa kaasi oo aan si xaq ah loogu gar- naqin
Xariir aakhirkiina gayaysiiyay inay kala tagaan Afadiisii Kinsi Axmed
Nuur.

Waxaan isna jecelahay inaan halkan ku soo hadal qaado Alle ha u
naxariisto e’ Cabdikariim Shabaash oo ku tiraabay Qabiilku qiil ma
leeyahay? waxaan hor Ilaahay u leeyahay mayee Cabdikariimoow wallow aad
maanta mootantahay oo tii Alle kuu timi,waxa kale oo aan jecelahay
inaan xuso dadka la majeeran karo ee ka soo jeedda Qabaa’ilka laga
gardaran yahay anigu uma aqaan ugu mana yeedho la haybsooco waayo
sababta loo haybsoocayo ayaanba cadayn oo cid tilmaami kartaa aanay
jirin ee la iska daba qaatay uun qof walibana uu ku tiraabay weedho
aanu ka fiirsan aan u soo noqdo ee yaa heli kara Cabdillaahi Cabdi
Shube, Maxamed Saleebaan Tubeec, Cumar Dhuule Cali, Xuseen Aw-faarax
Dubad, Xuseen Yuusuf Tarabbi, Yuusuf Maradoon, Faarax Guuleed
Samatar, Xasan Graydh, Caasha Yoonis, Caasha Cige, Faadumo Duur, Cabdi
Tahliil, Cabdi Cali Bacalwaan iyo ku dar uun yaa heli kara oo
taariikhda ka masaxi kara? cidna.

Aan u soo noqdo mawduucayga ee Cabdi Maxamuud Cumar halyey la
mahadiyay oo ku xardhan taariikhda Soomaaliyeed waligii qabtay inta ay
tahli kari waayeen Aadan Cabdille Cismaan”Aaden Cadde”, Cabdirashiid
Cali Sharmaake, Maxamed X.Ibrahim Cigaal, Maxamed Siyaad Barre, Xasan
Guuleed Abtidoon, Cabdiraxmaan tuur, Siilaanyo iyo Biixi hadda oo aan
laga filayn xataa wax u dhow,cid kastaa ha iska hadashee Cabdi
Maxamuud Cumar ayaa hantiyay Koobkii guusha taariikhda Soomaaliyeed
hogaamiye soo maray xataa ka dabagee Sayid Maxamed Cabdille Xasan aan
idhaahdo taarikkhda ayaa ku xusi waligaa xataa marka aad dhimato ee
aad Addunka ka carowdo ee aad ka hoyato tan aan lagu waarayn, aniguna
waxaan kuu balan qaadayaa inaan mar mararka ka mida kuugu imaado
xafiiskaaga oo aan kaaga mahadceliyo waxa aad tirtirtay ee aan Qiilka
lahayn siduu uu sheegay Cabdikariin Shabaash waxaanu cod dheer ku
leenahay ”Qabiilku Qiil ma leh” waxaana baabi’yay Cabdi Maxamuud Cumar
oo horsed ka noqday baabiintiisa iyo buburintiisa,Lamaanaha 29 ahna
waxaan Ilaahay uga baryayaa khayr iyo barwaaqo iyo in Ilaahay ubad
isku siiyo khayr qaba oo ubadkaasi horsed ka noqdaan tirtirida
caadadan foosha xun waxaanan filayaa inaan booqan doono qaar ka mida
lammaanayaasha ku naaloonaya neecawda burburinta kala qoqobka dadka
walaalaha ee Soomaliyeed oo xataa haddii ay ku kala aragti duwanaadaan
Siyaasadda aanay ahayn inay ku kala aragti duwanaadaan walaaltinimadda
iyo inay yihiin kuwo wadaaga isirnimo iyo wax kasta oo oo la wadaago
inaba aan la arki Karin wax farqi ah oo u dhexeeya xataa haddii la
soo qaato Waynayso oo Unugyadda jidhkooda lagu eego, U fiirso Prince
Harry oo guursaday Meghan iyagoo kala duwaanshiiyo la muujin kara kala
duwan haddan Arooskoodii loo dabaal dagi doono bishan May ee aan ku
jirno anigoo ka mid noqon doona kuwa TV ka daalacan doona iyadoo aanan
nasiib u helin inaan Lamaanaha 29 ee jigjiga ku aqal galay nolol tii ugu
macaanayd ku garab istaago habeenkii Xafladda arooskooda, haddana halkii aan joogay
ayaan duco iyo hambalyo uga soo diray waxaan leeyahay noqda kuwii aan
ku hodmin guurka ee ku badhaadha Cabdi Maxamuud Cumarna aan idhaahdo
Geesi aan gaban oo ka soo dhex mudhay intii Soomaali u soo talisay noqo
mid aakhiro Janno hela Addunkana ciso ku noolaada inta baaqi kaaga ah
noloshaada.

Waxaa Qoray

Cabdi Muxumed
Cabdimuhumed60@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso