Ciidanka Ilaalada Kacaanka : Jabka Maraykanka ee Suuriya way ka daran tahay guuldaradii ka gaadhay Vietnam

Sarreeye Guuto Hussein Dujayqi oo ah Taliyaha ugu sareeya Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan, ayaa sheegay in guuldaradii Maraykanka ee Syria ay ka weyntahay guuldaradii ka soo gaadhay dagaalkii Vietnam.

“Kadib guuldaradii Maraykanka iyo awooddoodii ay ku lahaayeen dagaalka militariga ee Suuriya, waxay mar kale isku dayeen inay sameeyaan xayiraad dhaqaale,” ayuu yidhi Brigadier Dujayqi oo hadal ka jeediyay Magaalada Kashan.

“In la aasaaso ururka argagixisada ee Daacish ayaa ahayd in lagu hor istaago Baraaruga Islaamka ee wadamada gobolka, sababtoo ah waxay kaga gariiryeen dawladaha dib u socodka ah,” ayuu yidhi.

Waxa uu intaa ku daray in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu Sacuudiga hanti uu ka qaaday badbaadisay in ka badan 650,000 oo shaqo ee Dalka Maraykanka, halka dhallinyarada Muslimiinta ah oo ay ku jiraan kuwa Sucuudi Carabiya ay hayso saboolnimo.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso