War Deg deg ah: Dagaal Waabarigii Saaka ka qarxay Bariga iyo Koonfurta Tukaraq

Ciidamada Maleeshiyaad-ka Puntland ayaa saaka weerar ku soo qaaday Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee degan Tukaraq .

Maleeshiyaadka ayaa Ciidanka Qaranka ka soo weerary laba jiho oo kala ah Bariga iyo Koonfurta.

Dagaalka ayaa ah mid culus la isuna adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ilaa iyo haddana wax war ah lagama hayo oo aan ka ahayn inuu qarxay socdana dagaal.

15 May ayay ahayd markii ay soo weerareen maleeshiyaadka Puntland ciidamada Qaranka ee ku sugnaa Aaga Tukaraq dagaalkaas oo ay ku jabeen maleeshiyaadkii weerarka ahaa iyada oo laga furtay hub lagana qabtay maxaabiis badan.

Warqabadka Toggaherer

Advertisement

Ku Xayeysiiso