Gudaha Ka Eeg :Siyaasi Ka Mid Ah Xisbiga KULMIYE Oo Shaaciyay In Uu U Taaganyahay Doorashada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargaysa .

Siyaasi Khadar Nuur Baal-cade (Khadar-caano) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Xisbiga KULMIYE ayaa si rasmi ah u shaaciyay Murashaxnimadiisa Golaha Deegaanka Ee Caasimadda Hargaysa .

Murashax Khadar-Caano ayaa u taagan Tartanka Doorashada Golaha Deegaanka Ee la filayo in sannadka Dambe ee 2019, ay ka qabsoomaan Dalka .

Siyaasi Khadar-caano ayaa ka mid Siyaasiyiinta ugu Da’da yar Xisbiga KULMIYE, uguna firfircoon ee ka dhex muuqda Xisbigaasi .

Murashax Khadar-caano oo si kooban uga hadlay Murashaxnimadiisa ayaa Yidhi

“Waxaan halkan ka cadaynayaa in ay u taaganahay Doorashada Golaha Deegaanka Ee Dalka Ka dhacaya, waxaanan rajaynayaa in Doorashadaasi aan guul ka gaadhi doono..,” ayuu hadalkiisa ku koobay Murashax Khadar Caano .

Advertisement

Ku Xayeysiiso