3 Khudaartood oo afurka u wanaagsan W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)

Walaalahayga soomanoow waxaan idin ku baraarujinayaa qaar ka mid ah khudaarteena hodanka ah oo haboon inaad ku afruto hadii aad hesho cafimaadkeenaan u fiican.
1.Muuska
Muusku wuxu ka koobanyahay 3 sonkorood oo kala ah Sugaros, Fractose iyo Glucose iyo waliba maadada loo yaqaano (fiber) ama gas waxayna dhamaantood ka qayb qaatan sidii Enerygy loo siin lahaa Jidhka.
2. Muusku wuxu dawo ka yahay isku Buuqa ama warwarka madax xanuunka leh, cunidiisa aad ayay u yaraysa sida ay sheegtay daraasad lagu sameeyay Maskaxda bani aadamka.
3. Muuska waxa ku jira Vitamin loo yaqaano B6 kaas oo caadi ka dhiga Glucoseta-ka ku jirta dhiiga dawana ka ah cudurka loo yaqaan PMS. Sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay hadad sharaab ka samayso iyo hadaad sidisa u cuntaba.
s
2.Xabxabka ama qaraha
Qaraha ama Xabxabka waa midho aad faa’ido u leh jidhka, waa midhaha ugu biyaha badan inta la ogyahay, waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba 92% in uu biyo maarmayn, saas oo ay tahayna waxaa ku jiro nafaqo kala duwan oo jidhku aanu ka maarmin kuwaas oo kala ah Vitamin A, B6, C, E iyo borotiinno kala duwan.
Waxaa kaloo xabxabka ku jiro macdanta bootaashiyamta oo unug walba oo jidhka ka mid ah uu u baahan yahay.
Qaraha kuma jiro wax dufan ah, wayna ku yartahay maadada karboohaydrayt-ka, sidaa awgeed waxa uu u wanaagsan yahay afurka qofka sooman.
3. shamaamka
Faa’iidooyinka Caafimaad ee uu leeyahay Shamaamku
1- iyada oo ay ku jirto Shamaamka shayo aad u badan oo Minerals ah sida Iron, Copper, Sulfur iyo Phosphorus, ayaa waxaa loo adeegsadaa daawaynta xanuunka dhiig la’aanta (Anemia).
2- iyada oo uu Shamaamku hodon ku yahay Maadooyinka Calcium iyo Phosphorus
3- Iyada oo ay ku Jirto Shamaamka Maadada Potassium, ayuu wuxuu gargaara Jilcinta iyo yaraynta Dacarta Caloosha ee dheeraadka ah.
4- waxa uu Shamaamku waxtar u leeyahay Xaaladaha Calool fadhiga (Constipation) iyo xanuunka Babaasiirta,
Wuxuu kale oo leeyahay faa’iidooyin kale oo badan, sida awgeed afurka ayuu u wanaagsan yahay.

W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid Axmed (Dalmar)
Suxufi madax banaan
Hargeysa somaliland
Emil: Cabdiraxmaan800@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso