Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa mahadnaqa.

Maqaalka qormadan waxaynu ku soo qaadan doonaa mahadnaqa. Sida aynu ku soo sheegnay qaybtii hore culimadu Islaamka waxay u qeybiyaan laba : sabir iyo mahadnaq. Sabirka waxynu ku soo qaadnay qeybtii hore , qormadana waxaynu ku eegi doonaa mahadnaqa.

3. MAHADNAQA
Ugu horeyn mahadnaqu waxaynu ku tilmaami karnaa waa u mahadnaqa EEBE dheefaha kala duwan ee uu ina waafajiyay iyo sidoo kale dhibaatooyinka ama gefaf-ka uu inaga ilaaliyay inay inagu dhacaaan ama inaga dhacaan. Sidaas darteed cibaadada mahadnaqu waa mid aan ka maqneyn cibaado kasta oo aynu la nimaadno ama dheef-kasta oo ALLE inagu manaystay. Tusaale kooban , qorista maqaalkan iyo baahintiisa in aan fursad u helay waa mid ALLE i waafajiyay oo u baahan mahad-naq. Sidoo kale akhrinta uu qof akhriyi doono , iyaduna waa mid ka timi waafajinta ALLE ; taas oo iyaduna u baahan mahad-naq. Faa’idooyinka mahadnaqa waxa ka mid ah inuu yahay ku dayasho dhaqankii AMBIYADA ( AL NAML 15 ) iyo inuu sabab u noqon doono inay nimcooyinku inuu siyaadaan kuwii horena inoo sugmaan.
Culimadu markay ka hadlayaan kelmada ALHAMDULIAH , waxay yidhaahdaan : wanaag kasta ama dheef-kasta oo aad hesho , waxa ka kheyr badan kelmadan hadii aad xasuusato inaad ku dhawaaqdo xilligaas , qirtana in cida dheeraadkan ama kheyr-kan ku siisay-na ay tahay ALLE. Waayo kelmadani waa mid ajar-aad ka helayso , waxaanay ka mid tahay afarta kelmadood ee ALLE ugu jecel yahay.

Qodobkan waxa aynu u isticmaali karnaa saddex siyaabood:
 In aynu ugu mahadnaqno hadal , abaalmarin iyo duco qof-ka wanaag inoo qabta. Ciwaankani waxa uu la xidhiidhaa cid-kasta oo inagu hareeraysan oo wanaag inoo qabata. Tusaale ahaan dumarkeena diyaarinta afurka wakhti badan ku qaata , dadka aynu wada shaqayno iyo cidkasta oo aynu la kulano nolol maal-meedkeena oo inoo samafasha. Waxa kale oo ka mid ah u ducaynta ama abaalmarinta culimadeena kala duwan ee cilmiga inoo soo gudbinaya bisha Ramadan.
Ciwaankan waxa aynu u isticmaali doona in aynu si feejig-naani ku jirto uga fiirino nolol maal-meed keena dad-kasta oo aynu ognahay ama la kulano , oo hawl wax-tar leh bulshada u haya iyo dad hawl inoo qabtay. Dabadeeto aynu mid-kasta ugu abaal-gudno saddexdan mid : hadal ugu mahadnaqno. Tusaale ahaan sida inaynu ku nidhaahdo waad ku mahadsan tahay hawsha aad noo qabanayso ama aad ii qabatay.
in aynu ugu abaal-gudno lacag , cunno siin , IWM.
Haddi kalena aynu ALLE marka aynu ducaysanayno iyagana uga barino inoo ka abaalmariyo wanaagay inoo qabteen.

 Habka labaad ee aynu ku muujin karno cibaadada mahadnaqa ayaa ah in aynu ALLE ugu mahad-naqno inuu inaga badbaadiyay ama inaga ilaaliyay inaynu ka mid noqono dadka bishan barakaysan wakhtigooda qaaliga ah ku luminaya waxyaabo aan faa’ido u lahayn . Tusaale ahaan waxaad arki kartaa bishan dad dayaca salaada ama aan soominba. Sidoo kale dad wakhtigooda ku luminaya ciyaaro kala duwan , qaar maqaaxiyo ama balwado kala duwan ku qaadanaya habeenkii ; qaar kale oo filimo ama baraha bulshada wakhti badan ku qaadanaya , IWM.
Sidaas darteed in aad adigu tahay ugu yaraan qof ALLE ku manaystay inuu noqdo qof ku dedaala ama isku daya inuu ka faa’idaysto wakhtigiisa bishan , waa nicmo u baahan in ALLE loogu mahadnaqo. Sidaas darteed markasta oo aynu aragno qof wakhtigiisa ku qaadanaya bishan barakaysan arrimo aan wanaagsanayn sida cayda , beenta , xad-gudubka ; kana gaabiyay waajibaadkii bishan kuna dhacaya dembiyo kala duwan . Waa inaynu isku deynaa inaynu la talino oo aynaa xaaladaa kaga tagin haddaynu awoodno. Haddi kalena aynu ALLE uga barino inuu xaqa iyo kheyrka waafajiyo , inaguna u helno ajar dheeraad ah. Waayo hadaad la taliso waxaad la timi cibaado weyn oo uu nabigu SCW ku sheegay inay diin-tuba ku dhisan tahay الدين النصيحه)
Sidoo kale hadaynu u ducayno waxaynu heli doonaa in MALAG ducadaas AAMIN u yidhaahdo ALLENA uu inoo weydiinayo inuu ina siiyo inagama waxaynu qofkaas ugu ducaynay.

 In aynu ALLE ugu mahadnaqno waxa wanaag iyo dheef ee uu ina waafajiyay. Marka hore qof kastaa waxa uu rajaynayaa ama qorshaystay inuu camalo kala duwan ku qaabilo bishan Rammaddan. Sidaas darteed markasta oo uu camal uu qorsheystay uu la yimaado , ama uu sidii uu filayay si ka fiican ula yimaado , ama qaar aanu qorshayn la waafajiyo . Waa qaar iyaguna u baahan mahad-naq.
Inaga oo la iman karna mahad-naqaas markaynu ku guda jirno camalkaas , camalka ka dib , iyo marka aynu habeenkii isla-xisaab-tamayno.

7. IS-XISAABIN
Su’aalaha ka imanaya qodobkan qiimaha badan waxa ka mid ;

Ciwaanka 1aad
Ma jiray qof maanta wanaag Ii qabtay aniga , ama u qabtay / u qabta bulshada bishan Rammaddan?
Sidee ayaan qofkaa ugu abaal-guday / ugu abaal-gudi karaa ?

Ciwaanka 2aad
Ma arkay / arkaa dad wakhtigooda ku luminaya wax aan faa’ido lahayn bishan ?
ALLE ma ugu mahad-naqay dheeraadkaas uu i siiyay ee aan kaga duwan ahay?
Ma sawirtay aniga oo dhex fadhiya dadkaas si uu qiimo iigu yeesho mahadnaqaasi?
Ma laga yaabaa inaan ka mid ahaan jiray dadkaas oo ALLE I soo hadeeyay ? ( S’uaashani haday haa tahay , waxay kordhinaysaa qiimaha uu inoo yeelan doono mahadnaqaasi?
Maxaynu iyagana ku caawinay talo , duco mise weynu iska-dhaafnay?

Ciwaanka 3aad
Ma jiraan camalo aynu qorsheysanay inaynu bishan qabano oo sidii aynu u qorshaynay u fulay ama si ka fiican u dhacay?

Gunaanadka maqaalka waxaynu is-kula dardaarmayna in la iska ilaaliyo xanuun ama dhib ku dhici karta cibaadadeena iyo acmaasha aynu la imanayno bishan. Dhibtaas oo soo geli karta ciwaanka labaad. Xanuunkaas oo ah in ay nafteenu inoo qurxiso ama inoogu sheekeyso inaynu dadkaa ka fiican nahay. Taas oo ah in aynu camal-keena la dhacno , iyada oo dhaawac weyn ku keeni kartaa camalkeena. Sidaas darteed waa in aynu xilli-kasta joogteyno in aynu ALLE weydiisano dembi-dhaaf , sidoo kalena iska ilaalino in aynu la dhacno camalkeena.
Waxaynu is-kula dar-daarmeynaa in loo wada duceeyo walaalaheena Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan. , ALLENA dambi dhaaf loo weydiiyo intooda nool iyo kuwooda geeriyooday ee aan fursad u helin inay ka qeyb qaataan bishan barakaysan.

F.G
Tusaalayaasha la soo qaadan karo ee ku saabsan mahadnaqa lama soo koobi karo. Aynu isku deyno in aynu cibaadadan meel kasta ka raadino.

مَنْ دَعَا لأَخِيهِ بِظَهْرِ الْغَيْبِ، قَالَ الْمَلَكُ الْمُوَكَّلُ بِهِ: آمِينَ، وَلَكَ بِمِثْلٍ» (صحيح مسلم؛ برقم: [2732]).

: http://iswy.co/e16rmi
La socda qeybta 4aad
https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso