Aabo Pakistani Oo Malqacad kaga Soo Saaray Wiil uu dhalay Labada Indhood ka dib markii uu Jecelaaday Gabadh!!! Dhacdo Naxdin Leh

Aabe Pakistan ah wiilshiisana ka helaya gacan caawimo ayaa malqacad kaga soo saaray indhaha wiil uu dhalay ka dib markii uu jeclaaday inan gayaankiisa ah kuna adkaystay jacaylkeeda.

“Wuxuu u sheegay qoyskiisa inuu doonayo inuu guursado gabadh uu jecel yahay, laakiin aabihiis ayaa diiday doonistiisa, ka dibna way xidheen Aabaha oo gacan ka helaya afar wiil oo uu dhalay waxayna ku xidheen qol iyaga oo indhaha ka soo saaray, halka hooyadiina ay ku xidheen qolka kale si aanay ugu samayn caawimaad una badnaadin wiilkeeda,” ayuu yidhi Abdul Baqi, oo ah 22 jir ka soo jeeda tuulada Nasirabad ee gobolka Baluchistan.

Ninkan ayaa intaa ku daray in uu ka codsaday Aabihiis inuu dilo kadib markii uu indhaha ka tuuray, laakiin Aabbihii wuxuu u sheegay in uu doonayo in uu tusaale u noqdo dadka kale tuulada.

Mas’uuliyiinta ayaa hadda baadhaya dhacadada waxayna xidheen aabaha iyo laba wiilashiisa ah isla markaana waxay soo saareen amarro xidhitaan ah laba wiil ooo kale oo baxsi ku jira.

Digniin: Fadlan Ha Daawan Haddii Aad Yar Tahay ama Aad Calool Jilicsantay

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso