Israel oo Shaki galisay Sharci ahaanta codsiga Falastiiniyiinta ee ka socda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada si ay u baadhaan xadgudubyada


Israel ayaa su’aal ka keentay aasaaska sharci ee dalabka Falastiiniyiintu u gudbinayso Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada si loo baadho xadgudubyada loo geysto xuquuqda aadanaha ee lala xidhiidhinayo siyaasadaha dejinta Israil ee degaannada la haysto.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Israel ayaa ku sheegtay hadal ay soo saartay: “Foomka Falastiiniyiinta looma hayo saldhig sharci ah, iskahorimaadka Falastiiniyiinta iyo Isreal waxay ka baxsan yihiin xukunka ICC, maxaa yeelay Israa’iil maaha xubin ka tirsan maxkamadda, Maamulka Falastiintuna maaha dawlad.”

Wasaaraduna waxa ku sifaysay dhawaaqa codsiga Falastiiniyiinta “Talaabo Nasiib darro ah.”

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso