qormadii labaad ee bisha Ramaddan waxaynu ku soo qaadan doonaa qodobka la magac baxay sabirka , dulqaadka iyo cafinta

Maqaalkan oo ah qormadii labaad ee bisha Ramaddan waxaynu ku soo qaadan doonaa qodobka la magac baxay sabirka , dulqaadka iyo cafinta. Waxa xusid mudan in qodobkan , qodobka mahadnaqa iyo qodobka toddobaad ay yihiin furaha qodobada kale.
Culimada Islaamkuna waxay yidhaahdaan : Diintu waxay ku dhisan tahay laba : sabir iyo mahadnaq. Haddaynu qiimeyno xaaladaha aynu ku sugan nahay markasta waxa aynu doonaa arki doonaa inay ku wareegaan labadan. Tusaale kooban oo labadoo-duba ka muuqdaan ayaa ah in ALLE inaga yeelay kuwa soomaya bishan. Taas oo inooga baahan inaynu ugu mahadnaqno. Haddii aynu helnay fursadaasna waa inaynu la nimaadnaa ka-sabrid iyo ku-sabrid arrimo kala duwan.
Sidaas awgeed qodob-kasta oo aynu soo qaadanay ama soo qaadan doono , waxa ku jiri doona labadan.

2- SABIRKA ,DULQAADKA IYO CAFINTA.
Fadliga sabirka haddaynu ka hadalno , waxa uu sabab u noqon doonaa inaynu ku helayno hiilka ALLE
( Al BAQARA 153) iyo jacaylka uu ina jeclaanayo
(AL CIMRAN 146). Sabirku waa saddex : ku sabrida waxa EEBE ina faray , ka sabrida iyo ka dheeraanshaha xumaanta uu inaga reebay , iyo ku sabrida qadarkiisa.

 Sabirka
Bisha Ramaadan magacyada loo yaqaano waxa ka mid ah bisha sabirka. Bisha Ramadan waxa ku jira sabir cusub oo ah in qofku ALLE dartii uu uga dheeraanayo kana sabrayo waxyaabaha ay naftiisu xiiseyso sida galmada iyo kuwa aanu ka maarmi karayn sida cunnada iyo cabitaanka.
Sabirka bisha Rammaddan waxa loo kala bixiyaa : sabirka maalintiisa ( soomka ) iyo sabirka habeenkiisa ( salaadaha iyo wax-kasta oo lagu nooleynayo habeenada Ramadanta).
Sidoo kale waxa muhiim ah ka-sabrida arrimaha ay naftu jeceshahay inay wakhtigeeda ku qaadato sida hadalka badan ee aan faa’idada lahayn ee uu ku jiro muranku , akhrinta iyo daawashada waxkasta oo aan faa’ido u lahayn soomkiisa iyo aakhiradiisa. Si kooban haddaynu u sheegno waa : ka sabrida waxkasta oo soomkeena wax u dhimaya , kuna dedaalno ku sabrida la imaanshaha waxkasta oo Rammaddan-teena suubinaya.

 Dulqaadka.
Qofka sooman bisha Rammaddan waxa looga baahan yahay inuu u yeesho dulqaad dhibaato kasta oo soo gaadha inta lagu guda jiro xilliga soomka. Waxa dhici karta in xilliga soomka ay dhacdo in lagu xad-gudbo la caayo , la xanto , IWM. Waxaana loo baahan yahay inuu kaga jawaabo dulqaad , cida ku xad-gudubtana kula taliyo in ay ka dheeraadaan dhaqankan soomkooda dhibaateynaya hadduu awoodo , haddi kalena ugu duceeyo inuu ALLE soo hadeeyo. Isaga oo labadaas mid-ka uu la yimaado ajar ku leh.
Casharada aynu ka baran karno dulqaadka aynu kaga jawaabayno khaladaadka inaga soo gaadha bulshada waxa ka mid ah in uu sabab u noqon karo maareynta iyo kordhinta awooda aynu u leenahay xakamaynta iyo qarinta cadhadeena.

 Cafinta
Waxa jira dadka qaar oo dulqaad la iman kara si ay soomkooda u ilaaliyaan. Balse qalbiga ka cadheysan. Sidaas darteed waxa aynu ku dhiirigalinaynaa inay cafiyaan cida khalad ka gashay. Waayo sida ku cad suurada (AL NUUR 22) :
ALLE wuxuu ina leeyahay miyay-daan jecleyn in ALLE idiin dembi-dhaafo ? Hadaad jeceshihiin in ALLE idiin dembi-dhaafo , idinku isku dembi dhaafa oo is-cafiya , idinka oo ku dayanaya ALLAHIINA dembi-dhaafka iyo naxariista badan.

Sidaas darteed cafinta cida khalad inaga gasha bishan ay fadligeeda ka mid yihiin dembi-dhaafka iyo iska xoreynta naartu, waa arrin aad u qiimo badan . Sidoo kale waxa xusid mudan cafinta aynu ka hadlaynaa kuma koobna khaladaad-ka inaga soo gaadha bulshada keliya inta lagu gudo jiro bisha Ramadan, balse waxa ku jira ilaa kuwii ka horeeyay.

7. IS-XISAABIN

Su’aalaha ka iman kara qodobkan ee aynu habeenkii is weydiin karno waxa ka mid ah :
Su’aalaha Sabirka

 Ma ka dheeraday ( ka sabray ) murankii iyo hadaladii aan wax tarka lahayn bishan Rammaddan?
 Ma ka dheeraaday akhrinta iyo daawashada waxkasta oo aan faa’ido ii lahayn Rammaddan iyo mid Adduunyo ba? Tusaale guud : ku qaadashada wakhti badan baraha bulshada ama goobaha la is-kugu yimaado.
 Waa sidee sabirka aan u leeyahay la yimaanshaha wax-kasta oo sabab u ah suubinta iyo wanaajinta Rammaddantayda?
( Waa Su’aal guud oo sabirka ah) Si aad uga jawaabto su’aashan dib u eeg sida aad uga jawaabtay su’aalaha qodobada kale , dabadeeto qiyaas inaad gaabis ku jirto iyo inaad sidaad qorsheysatay ku socoto. Tusaale su’aalahii ku jiray ( ALLE -KA CABSIGA ee ay ka mid-ka ahaayeen ilaalinta salaadaha ( ku-sabrida salaada ) iyo Ilaalinta xubnaha (ka-sabrida xad-gudubka)

Su’aalaha Dulqaadka

 Ma jirtaa cid igu xad-gudubtay maanta ? Hadday jirto maxay ahayd sababtii keentay inay igu xad-gudbaan ( su’aashani waxaad ku ogaanaysaa in sababta xad-gudubkaa keentay ay sabab u ahayd adigu iyo in-kale?
 Sidee ayaan dareemayay wakhtigaas ? Tusaale wad cadhootay.
 Nooca xad-gudubku ma ahaa mid ku haboonaa in loo dulqaato ama la cafiyo?
 Sidee ayaan maalmaha dambe ugu hor-tagi kara inay dhibtani dhacdo ? Sidoo kalena sidee ayaan qofkan igu xad-gudbay ama iga cadhaysiiyay uga ilaalin karaa mustaqbalka inuu dambigani ka dhaco oo aanu soomkiisa wax u yeelin ? Tusaale qiimeynta xaaladaha keenay inuu ku dhaco fal-kaas.

Su’aasha cafinta
 Ma jira cid aan wax colaad ama cadho u hore ugu hayay?

Su’aalaha ku xusan qodobkani intan way ka yaraan karaan , in laga jawaabana waa mid ku xidhan baahida loo qabo. Waxa sidoo kale xusid mudan in keliya ay ina-gaga filan tahay su’aasha ugu dambaysaa . Balse nafta oo jecel inay hesho xaqeeda ayaan u raaciyay su’aalahan kale. Waayo waxa si fudud qof u saamixi kara cid ALLE u garan-siiyay fadliga uu leeyahay cafintu , dabadeena uu waafajiyay.

Gunaanadka maqaalka waxaynu ku soo koobaynaa in fadliga soomka waxa ka mid ah inuu ka nadiifiyo qalbiga kana sifeeyo xanuun fara badan oo ay culimadu ka tilmaamaaan calool-ku sid-ka , nacaybka , xasadka , cuqdada , cadhada iyo was-waaska. Sida cad xadiiska
( Al BAZAR 688) .
صوم شهر الصبر وثلاثة أيام من كل شهر يذهبن بوحر الصدر)

Sidoo kalena waxaynu is-kula dar-daarmeynaa in loo wada duceeyo walaalaheena Muslimka ah meel kasta oo ay joogaan. , ALLENA dambi dhaaf loo weydiiyo intooda nool iyo kuwooda geeriyooday ee aan fursad u helin inay ka qeyb qaataan bishan barakaysan.

La socda qeybta saddexaad.

https://medium.com/@Kadim

Advertisement

Ku Xayeysiiso