Daawo-Muxuu Daaranaa Safarkoodu Masuuliyiinta Wasaarada Xanaanada Xoolaha Ee Gobolka Awdal Tagay?

(Toggaherer)-Wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada Xoolaha Somaliland  Marwo Yurub Abiib Iyo Wafti balaadan oo ay horkacayso ayaa safar shaqo Ku Tagtay Gobolka Awdal,iyagoo u kuurgalaya in goobhasi ka soo dhagax dhigaan mashaariico horumarineed oo ay ka mid tahay saybaadh lagu xanaanaynayo xoolaha nool  oo ay yeelanayso wasaarada xanaanada xoolaha ee gobolka awdal.

Isuduwaa wasaaradda xanaanada xoolaha ee gobolka awdal Dr-Daahir Muuse xuseen waxaanu tilmaamay in xafiiskaasi uu yaay xafiiskii gobolka ee wasaarada xanaanada xoolaha ee gobolka awdal isagoo arrintaasi ka hadlaaya ayaa yidi:

(xafiiskani waxa uu ahaan jiray xafiiskii gobolka awdal oo 1960kii la dhisay waxaana la rabaa in laga hirgaliyo shaybaadh casri ah ).

Dismahan meesha aanu ka dhisaynu waxaa weeyaan shaybaadh xoolaha nool lagu baadhi doono iyo wixii xanuuno ah ee soo kordha oo lagaga warhayn doono,waxaa kale oo ku jiri doona goobihii ay dhakhaatiirtu fadhiianayen ,waxaa kale oo la socda hadadkii ay xooluu hoos hadhsanayeen ,waxaa kale oo ku jira goobo ay xoolaa nooli ka cabi doonaan biyaa ,waxaa kale oo la socda goobahii oolahaasi laga raraayeyhaddii ay t ahay  lo,adhi iyo geel.

Wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga yurub Abiib oo goobtaasi hadal kooban ka jeedisay ,isla markaasina dhagax dhigtay arun cusub oo shaybaadhka xoolaha noola ah ayaa hadalkeedii ku bilowday:

(wax kastoo wadanka ku soo kordhaa faaiido ayey inoo yihiin markaasi waa mashruuc  ay gobolka awdal leeyihiin insha allah waynu fulin doonaa oo waynu isla garabtaagi doonaa iyadoo wadankanna wax badan ku soo kordhin doona xoolaha lagu ogaan doono in ay caafimaad qabaan  iyo in ay bukaanba).

Gabogabadiina masuuliyiinta gobolkaasi awdal oo ay ka mid ahaayeen duqa degmada Boorama iyo badhasaabka gobolkaasi ayaa soo daweeyey mashruucaasi lagu dardargalinaayo xarunta wasaaradaasi ay ku leedahay gobolkaaso oo dib u habayn lagu samaynaayo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso