Sacuudi Carabiya oo sii daynaysa Maanta 1,000 maxbuus oo Itoobiyaan a!!!!


Addis Ababa, May 19, 2018 (ToggaHerer) Sacuudi Arabia ayaa sii deyn doonta 1,000 maxaabiis Itoobiyaan ah maanta.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku tagay Riyadh, ayaa ka codsaday xukuumadda Sucuudiga in ay sii daayaan dadka Itoobiyaanka ah ee xabsiyada ku jira intii uu socday wadahadalkii ay la galeen Dhaxal Sugaha Maxamed Salman.

Ka dib codsi ka yimid Ra’iisul wasaare Dr Abiy ayaa Boqorka Sacuudiga ogolaaday inuu sii daayo maxaabiista Itoobiyaanka ah.

Sida la sheegay in ka badan 1000 maxaabiis Itoobiyaan ah ayaa la sii dayn doonaa Maanta.

Maxaabiista la sii daynaayo 100 waa haween halka 900 maxbuus ay yihiin rag.

Ra’iisul Wasaare Dr Abiy iyo Amiirka dhaxalka leh Prince Mohammed bin Salman ayaa ka wada hadlay arrimo ku saabsan arrimaha labada dhinac, goboleed iyo caalami-ba.

Geesta Kale Ra`isal Wasaaraha ayaa ku celceliyay muhiimada ay leedahay ilaalinta Itoobiyaanka ku nool Boqortooyada sucuudiga.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso