Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo

 

 

Ceerigaabo(ToggaHerer)Wafti Balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaarada gaashaandhiga Somaliland Mudane Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyey xarunta gobolka Sanaag ee Ceerigaabo halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha gobolka Sanaag Maxamed Axmed Caalin(Tiin-baro) Madaxda ciidamada Booliska iyo Qaranka, madax dhaqameed, dhalinyaro iyo waliba Masuuliyiin kale oo aad u tiro badan.

 

Waftiga oo lagaga hor imid Duleedka magaalada ceerigaabo ayaa waxa halkaasi ka muuqatay heelanaan badan oo loo qabo soo dhawaynta wasiirka Gaashaandhiga Mudane Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) halkaasi oo laga jeediyey hadalo Mahadnaq iyo soo dhawayn ah.

 

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Siciid Bidaar oo ka mid ah Odayaasha ka soo qayb galay soo dhawaynta Wasiirka Gaashaandhiga waxaanu xusay in ka Odayaal ahaan ay ku faraxsan yihiin in ay maanta soo dhawaynayaan wasiirka gaashaandhiga si uu ugala qayb galo Xaflada 18 May oo loo soo raray 15 May, Geesta kale waxa halkaasi hadalka iskaga daba maray odayaasha ka soo qayb galay soo dhawaynta oo si isku mid ah wasiirka ugu soo dhaweeyey Xarunta gobolka sanaag ee Ceerigaabo.

 

Geesta kale waxa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka sanaag Mudane Maxamed Axmed Caalin Tiinbaro iyo Maayirka degmada Ceerigaabo Ismaciil Xaaji Nuur oo ka hadlay in ka maamul ahaan ay soo dhawaynayaan Wasiirka gaashandhiga ayna waxaanay xu’seen in ay tahay in masuul Heer wasiir ah oo deegaanka Ceerigaabo ah uu kala soo qayb galo xaalada guud ee Ceerigaabo si uu la socdo dhaq-dhaqaaqa guud ee Gobolka.

 

Gebo-Gebadii waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mudane Ciise Axmed Yuusuff (Xawar) oo ka mahad celiyey sida balaadhan ee loo soo dhaweeyey waxaanu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay Deegaanka Ceel-Afwayne waxaanu ka xukuumad ahaan sheegay in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo ku gacan leh dagaalkaasi kaasi oo sheegay in ciidamada ku sugan deegaankaasi iyo dhamaan deegaanada kale ee dalka ay u adeegaan qaranka kana shaqeeyaan horumarka dalka.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso