Warqad furan oo ku socota madaxweynaha Soomaaliland

Warqad furan oo ku socota madaxweynaha Soomaaliland

Mudane: Muuse Biixi Cabdi.

Ujeeddo: Xaqiiqada qadhaadh ee dhaqanka Imaaraadka Carabta

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh

Salaan ka bacdi, Mudane Madaxweyne, waan ogahay in aad ku mashquulsantahay xilka wayn ee ku saaran, waan ogahay in culaysyo gudaha ah iyo kuwo debedda ahiba jiraan, hase yeeshee qormadaydan yari waa soo jeedin ku aaddan heshiiska aynnu la gallay IMAARAADKA CARABTA.

Mudane Madaxweyne Aadanaha waxa lagu kasbadaa daacadnimadooda iyo jaceylkoodaba laba dariiq mid uun:

  • Dariiqa: maamuusidda, waxtaridda iyo u caddaalad falidda.

Qof kasta oo sharaf leh karaameyntiisu waxa ay ka dhigan tahay in aad qalbigiisa boos ku yeelato, cidda wax ku tarta waxa hubaal ah in aad ugu yaraan ka xishoonayso, waata Soomaalidu ku maahmaahda: “Af wax cunay xishood”,
Malaha dhinaca hunguriga ayuun bay Soomaalidu ka eegeene maamuusiddu way ka ballaadhan tahay cunto siinta.

Caalimkii waynaa ee muslimka ahaa, lana odhan jiray Imaamu Shaadibi kitaabkiisa Almuwaafaqaat, waxa aan ka akhriyey: “Aadanaha waxa iskaga abuuran jeclaanshaha cidda u samofasha”.

Gabyaagii carbeed ee la odhan jiray Almutanabbi, isaga oo arrintan gabay ku cabbiraya waa kii lahaa: “Haddaad qof wanaagsan karaamayso, qalbigiisaad hanataa, haddaadse dhaandhaan liita karaamayso wuu kugu kibraa”.

إذا انت أكرمت الكريم ملكته ***** وإن أنت أكرمت اللئيم تمرّدا

  • Dariiqa labaad waa – dariiqa addoominta iyo dullaynta.

Jidkan waxa mara inta marka horeba liidata, waxaanay ku hantiyaan inta aan dhaamin, oo ay ka dhigaan sida Ey hoggaansan, kuwaasoo ama hunguri lagu hantiyey ama ul iyo cabsi gelin lagu dulleeyey oo lagu yeeshay.

Sida madaxda Imaaraadku ula dhaqmaan dawladaha iyo shucuubta ay faragelinta qaawan ku sameeyeen ilaa imika habka ay adeegsadeen waa kan labaad, sida aanay u xurmaynin dawladaha ay siyaasaddooda damaca waalani isu gaysay, lama sheegin waddan ay waxtar muuqda iyo raad waxqabad oo ka hadha kaga tageen! Eeg Yemen, wakhti badani kama soo wareegin dhacdadii jasiiradda Socotra, Cadan waxa ay ka wadaanna kaama qarsoomi karo, eeg Djibouti, eeg Soomaaliya, Libiya iyo waddamada kale ee ay faraha kula jiraan.

Mudane Madaxweyne, waad iiga xog ogaalsantahay heshiiskii Berbera iyo ballamihii lala galay waxa ka fulay ilaa imika.

Mudane Madaxweyne siyaasadda Imaaraadku waa mid gogoldhaafka ku caanbaxday, waa mid faragelinta arrimaha gudaha, kala qaybinta iyo iska horkeenka muwaadiniinta ku macaashta, berri ka maalin kaagama danbeyn doonaan u madaxbannaanida maamulidda dalkaaga iyo dadkaaga.

Waxa ay adeegsadaan in ay lacagtooda xad dhaafka ah daacadnimada dadka kaga iibsadaan, si ay danahooda ugu gaadhaan, kuwaasina aanay wax dan ah u gaadhin, falsafaddoodu waa aan guulaysto, guuldarradaaduna guushayda qayb ha ka noqoto, ma yaqaannaan mabda’a “aynnu wada macaashno” !

Mudane Madaxweyne waxa aad xaq u leedahay in lagula taliyo, taladayadu waxa weeye: Sharafteennu waxa ay u baahantahay daboqabasho, baahideennuna ma gaadhin in aynnu bakhti sumaysan nolol ka raadinno.

Mudane Madaxweyne belaayo daaman la qabto ayay leedahaye inta aanay weli dabo aan la qaban karin noqonnin, heshiiskeenna imaaraadka dib u eeg, weliba gaar ahaan saldhigga millateri dib ugu noqo.

Waxa aan rajeynayaa in soo jeedintan oo dad badani ila qabaan ay ku soo gaadhi doonto, isla markaana ay tixgelin yeelan doonto.

Wasalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh.

Dr-Abdulqani Hussein (Beder)

May 14, 2018

Tubtatoosan02@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso