Sudan oo sii deysay 1,400 maxaabiis Itoobiyaan ah

Addis Ababa (ToggaHerer) -Suudaan ayaa sii daysay 1,400 maxaabiis Itoobiyaan ah Maalintii shalay.

Dr Abi Axmed Ra`isal Wasaaraha Itoobiya safarkii uu ku tagay Khartoum ayaa uu kaga codsaday madaxweynaha Cumar Al-bashiir inuu sii daayo Itoobiyaanka ku jira xabsiyada ama jeelasha Suudaan.

Geesta Kale Itoobiya iyo Kenya ayaa sidoo kale isku waafaqay toddobaadkii hore in ay is dhaafsadaan maxaabiista.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso